3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 1 , 2020
Somaliland oo sharuud ku xirtay in ay ka laabato go'aankii ay ku joojisay howlaha qaramada Midoobay
 

Axad, November, 01, 2020 (HOL) - Somaliland ayaa Qaramada Midoobay ka dalbatay in ay ula macaamisho dalka ka madax banaan Soomaaliya, si ay uga laabato go’aankeedii ay ku joojisay dhammaan howlihii Qaramada Midoobay ay ka waday Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku eedeeyay Qaramada Midoobay inay amarro ka qaadato dowladda Soomaaliya isla markaana ay ku lug leedahay siyaasadda gobolka.

Biixi ayaa sheegay in wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan uusan matalin Somaliland, laakiin ay soo dhaweynayaan cid kasta oo si ixtiraam leh  u dooneysa inay la shaqeyso.

Qaramada Midoobay ayaa dowladda Soomaaliya la saxiixatay heshiis wadashaqeyn si loo gaaro "nabad, xasillooni iyo barwaaqo u soo hoyata Soomaalida oo dhan," sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Qaramada Midoobay.

Heshiiska Iskaashiga waxaa lagu saxiixay Muqdisho iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen saraakiil sarsare oo ka tirsan labada dhinac, oo ay ka mid ahaayeen Ra'iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Laakiin Somaliland waxay arrintaas ku tilmaamtay mid meel ka dhac ku ah madax-bannaanideeda iyadoo sheegtay inaysan qayb ka noqon doonin heshiiskaas.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
11/1/2020 2:40 PM EST
Axad, November, 01, 2020 (HOL) - Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar ) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar lug ah kagasoo tagay Gaalkacyo ayaa gaaray magaalada Garowe ee Caasamada Puntland.

11/1/2020 8:20 AM EST
Axad, November, 01, 2020 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta guddoomiyey kullan muhiim ah oo is xog-wareysi ah, kuna saabsanaa Qorshe Howleedka Wasaaradda guud ahaan gaar ahaan Qorshe Howleedyada Waaxyaha,kullanka ayaa ahaa kii u horreyay tan iyo markii uu xilka la wareegay taariikhda 27 bishii October,2020.

11/1/2020 8:08 AM EST
Axad, November, 01, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha barlamaanka aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa sheegay xukuumada Soomaaliya in aysan xaq u lahayn inay soo magacowdo guddiga maamulaya doorashooyinka wakiilada gobolada waqooyi u matalaya labada aqal ee barlamaanka.

11/1/2020 6:29 AM EST
Axad, November, 01, 2020 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo warbaahinta kula hadlay Jowhar ayaa sheegay in sababta socdaalkooda Jowhar ay salka ku heyso in xal waara laga gaaro tabashada ka jirta dhismaha Hirshabeella ka hor inta aan doorasho la aadin.

11/1/2020 5:54 AM EST
Axad, November, 01, 2020 (HOL)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay guddiggii soo xulista Xildhibaannada Baarlamaanka 2aad ee Hirshabeelle shaqadii ay soo qabteen.

11/1/2020 3:16 AM EST
Axad, November, 01, 2020 (HOL)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa goor dhaw gaaray magaalada Jowhar ee xarunta u ah dowlad gobolleedka Hirshabeelle.

11/1/2020 2:14 AM EST
Axad, November, 01, 2020 (HOL) - Dowladda Canada ayaa ku dhawaaqday qorsheheeda ku aadan qaabilaada qaxootiga (2021-2023), waxayna sheegtay in ay bartilmaameedsan doonto heerka ugu sareeya ee qaadashada soogalootiga.

11/1/2020 2:09 AM EST
Axad, November, 01, 2020 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal gaar ah oo ay ka fulisay deegaan ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe ay ku dishay sarkaal ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab.

11/1/2020 12:44 AM EST
Axad, November, 01, 2020 (HOL)- Talaadada soo socoto oo taarikhdu ay ku beegan tahay 3-da bishaan November, ayaa waxaa lagu wadaa in guud ahaan wadanka Mareykanka ay ka dhacdo doorashada madaxtinimada ee sannadkaan 2020-ka, xilli xaalada cudurka Covid-19 ay kor u sii kaceyso gobollada qaar.

11/1/2020 12:34 AM EST
Axad, November, 01, 2020 (HOL)-Saraakiisha Booliiska ayaa sheegay in qof aan la garaney uu toogasho ku dhaawacay wadaad ka tirsan mad-habka Orthodox-ka xili la sheegay in uu ka soo baxayay Kaniisad ku taala magaalada Lyon ee dalka Faransiiska.