4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 1 , 2020
Baadari toogasho lagu dhaawacay magaalada Lyon ee dalka Faransiiska

 

Axad, November, 01, 2020 (HOL)-  Saraakiisha Booliiska ayaa sheegay in qof aan la garaney uu toogasho ku dhaawacay wadaad ka tirsan mad-habka Orthodox-ka xili la sheegay in uu ka soo baxayay Kaniisad ku taala magaalada Lyon ee dalka Faransiiska.

Wararkan oo xalay dhacay ayaa lagu waramayaa in qofkii geystay uu markiiba goobta ka baxsaday oo aysan u suurtagalin ciidamadu ay qabtaan.

Wasiirka arimaha gudaha Faransiiska, ayaa qoraal uu Twitter-ka ku faafiyey ku sheegay in dhacdo halis ahi haatan dhacday, laakiin wax faahfaahin ah kama uu bixin waxa dhacay.

Qof ka tirsan booliska oo wakaaladda wararka ee AFP soo xigatay ayaa sheegay in ninka weerarka geystay sitay qori shoodh-gan ah.

Tan wixii ka danbeeyay Aflagaadadii Diinta Islaamka uu u geystay madaxweynaha dalka Faransiiska dalkaasi waxaa uu wajahayaa weerarro adag oo uga imanayay dad loo maleynayo in ay ka carreysan yihiin hadalladii ka dhanka ahaa Nabbi Maxamed ee ka soo yeeray madaxweyne Marcon.

Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay weerarradan dhacaya kuwo argagixiso, waxaana uu amray in ciidamo dheeraad ah la geeyay magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi.
 
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]