3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 23, 2020
Madaxweyne Deni “ Waxaan tuhun ka qabnaa in Al-shabaab ay adeegsanayaan cid diiddan nabadda Puntland”
 
 

Sabti, May 23, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Maamulka Soomaaliyeed ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxa uu sheegay mar uu maanta hadlayay in ay qabaan tuhun xooggan oo la xiriira in ay jiraan cid gaar ah oo Al-shabaab u adeegsaneysa dhibaateynta Maamulkaasi, iyagoo leh dano gaar ah oo ka hor imaanaya xasilloonida iyo nidaamka deegaannadaasi ka jira.

Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxa uu soo hadal qaaday qoraallo ay horay u qoreen warbaahinta Caalamka qaar, oo uu shegay in ay sii daayeen xog ah in khilaafka ka jira dalalka Khaliijka ay  loolankiisa usoo weeciyeen Soomaaliya, iyaguna ka maamul ahaan ay sameynayaan baaritaan quta-dheer.

“Waxaan tuhun ka qabnaa in dad gaar ah ay adeegsanayaan Al-shabaab, iyagoo diiddan nidaamka iyo dowladnimada Puntland” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Waxa uu shaki geliyay beegsiga laba guddoomiye goboleed oo maamulkiisa ka tirsan muddo isku dhow, iyo dilkii guddoomiyahii Gobolka Banaadir oo dhammaantood lagu dilay qaraxyo.

Hadalka Madaxweynaha maamulka Puntalnd ayaa kusoo aadaya xilli uu dhowaan sheegay in ay u aari doonaan guddoomiyihii gobolka Mudug oo qarax lagu dilay, waxaana qaraxaasi sheegtay Al-shabaab.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
5/23/2020 1:16 PM EST
Sabti, May 23, 2020 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan magaalada Beledweyne ayaa cafis u fidiyay maxaabiis kujira xabsiyada Hirshabeelle.

5/23/2020 10:03 AM EST
Sabti, May 23, 2020 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa ka hor yimid Xilka qaadis iyo Magacaabis uu sameeyay madaxweynaha Puntland.

5/23/2020 5:53 AM EST
Sabti, May 23, 2020 (HOL) - Hadal warbaahinta Sacuudiga ay sii daaysay oo ay kasoo xigatay wiil uu dhalay Weriyahii la dilay ee Jamal Khashoggi ayaa dhaliyay hadal hayn weyn taas oo dad kale duwan ay ka jawaab celiyeen, kadib markii uu sheegay inuu cafiyay dadkii lugta ku lahaa khaarijintii Aabbihii.

5/23/2020 5:45 AM EST
Sabti, May 23, 2020 (HOL) - Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ugu baaqay shacabka in ay ku ciidaan guryahooda, si looga hortago faafitaanka xanuunka COVID-19, waxa uuna ka codsaday shacabka in aysan tegin goobaha la isugu yimaado sida maqaaxida iyo goobaha dalxiiska oo ay maanta oo kale tegaan dad badan.

5/23/2020 4:07 AM EST
Sabti, May 23, 2020 (HOL) - Shacabka magaalada Beledweyne ayaa maanta u dabaaldegay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga, waxayna salaada ku dukadeen masjidyada iyo goobaha loo barakacay.