4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 22, 2020
Francisco Madeira: Hogaamiyaha Jubbaland wuxuu heshiis la gaaray mucaarad kasoo jeeda Beeshiisa
 


Jimco, May 22, 2020 (HOL) - Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira oo qudbad ka jeediyay kulankii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ee looga hadlayay arrimaha Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladaha siyaasadeed ee Jubbaland iyo heshiis ay gaareen hogaanka Jubbaland iyo xubno kamid ah garabyada Mucaaradka Jubbaland.

Francisco Madeira ayaa sheegay in Madaxweynaha Jubbaland uu heshiis la gaaray dhinacyada mucaaradka ee kasoo jeeda beeshiisa, isagoo intaa ku daray in ay adkeynayaan baahida loo qabo in hore loo sii socdo lana xaqiijiyo in dhammaan beelaha dega Jubbaland isu yimaadaan iyo dhammaan dhinacyada ku lugta leh siyaasadda Jubbaland si xal waara loogu helo dhibaatooyinka siyaasadda, arrimaha bulshada iyo dhaqaalaha.

Jubbaland ayaa waxaa ka taagan khilaaf siyaasadeed u dhexeeya dowladda federaalka iyo madaxda Jubbaland, kaa oo soo bilowday kadib markii bishii August ee sanadda 2019 magaalada Kismaayo madaxweyne loogu doortay Axmed Maxmed Islaam (Axmed Madoobe), doorashadaa oo dowladda federaalka ah iyo beesha Caalamku ku tilmaameen in ay baalmarsantahay sharciga.


Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan online