4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 19, 2020
WHO oo kaalmo caafimaad ku wareejisay maamulka Hirshabeelle


Talaado, May 19, 2020 (HOL) - Hay’ada caafimaadka aduunka ee WHO ayaa maanta kaalmo caafimaad ku wareejisay wasaarada caafimaadka Hirshabeelle, waxaana kaalmadan aay isugu jirtay daawooyin iyo qalab looga hortago Covid19.

Wasiirka caafimaadka Hirshabeelle Cabdi Macalin Maxamed oo deeqdan ka gudoomay WHO ayaa sheegay kaalmadan aay muhiim u tahay bulshada Hirshabeelle.

Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay inaay sii kordheen kiisaska Covid19 ee Hirshabeelle, waxaana uu sheegay in saacadihii lasoo dhaafay aay 3 qof u dhinteen cudurka safmareenka ah ee Caronavirus.

Wasiirka caafimaadka ayaa shacabka Hirshabeelle ugu baaqay inaay qaataan wacyi-galinta kooxaha caafimaadka, waxana uu sheegay in xanuunkan dilaaga ah uu leeyahay kohortag, islamarkaana aay muhiim tahay in dadku aay qaataan talooyinka kooxaha caafimaadka.

Hirshabeelle ayaa kamid ah deegaanada uu ku faafay fayriska Carona, waxaana aad u liita adeegyada caafimaadka iyo tayada cisbitaalada.

Hiiraan Online News Desk