3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 19, 2020
Dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday Ciribtirka COVID-19

Talaado, May 19, 2020 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa maanta shaacisay inuu billowday qorshaha ciribtirka fayruska Covid-19, xilli toddobaadyadii u dambeeyay uu fayruska ku faafay caasimadda Muqdisho iyo gobollada kale.

Wasiirka Warfaafin Soomaaliya,Maxamed Cabdi Xaiyr Maareeye oo wariyaasha kula hadlay xarunta gobolka Banaadir wuxuu sheegay in la billaabayo olole ballaaran oo lagula dagaallamayo fayruska, isagoo marka ku baaqay in si wadajir ah looga qaybqaato ololahaa.

“Ololahaan ayaa laga sameyn doonaa dhammaan Degmooyinka gobolka Banaadir si aan ula dagaallano cudurkaan safmarka ah ee aafeeyay caalamka aynu ka mid nahay si aan u ilaalino bad-qabka shacabka Soomaaliyeed." ayuu yiri wasiir Maareeye oo ah guddoomiyaha guddiga wacyigalinta Covid-19.

Wuxuu ugu baaqay warbaahinta, culimada iyo qaybaha bulshada in la xoojiyo wacyigalinta fayruska , arrintaa oo uu ku sheegay inay door ka qaadanayso ciribtirka fayruska.

"Waxaan rabnaa dalkeenna inuu noqda midka ugu horreeya ee geeska Afrika oo ciribtira fayruska, taaso noo suragalinaysa in mar kale ganacsigii iyo dhaqaalihii uu dib usoo laabto." ayuu ku daray.

 1,455 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay,iyadoo shalay wasaaradda caafimaadka ay xaqiijisay in fayruska ay ka bogsadeen  163 oo ka dhigan inay xanuunka ka reysteen in ka badan 11% dadkii uu xannuunku haleelay.

Iman Jama, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
5/19/2020 2:14 PM EST
Talaado, May 19, 2020 (HOL) - Garsoorka maxkamadda caddaaladda caalamiga ah ee ICJ ayaa ku dhawaaqay in mar kale dib loo dhigay waqtiga dhageysiga dacwadda muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

5/19/2020 1:24 PM EST
Talaado, May 19, 2020 (HOL) - Hay’ada caafimaadka aduunka ee WHO ayaa maanta kaalmo caafimaad ku wareejisay wasaarada caafimaadka Hirshabeelle, waxaana kaalmadan aay isugu jirtay daawooyin iyo qalab looga hortago Covid19.

5/19/2020 9:28 AM EST
Talaado, May 19, 2020 (HOL) - Waxaa maanta deegaanka Godob-jiiraan ee gobolka Nugaal ka bilowday buufinta Ayaxa oo ay sameynayaan diyaarado dhowaan lagu wareejiyay dowladda Soomaaliya islamarkaana hadda ku sugan maamulkaasi.

5/19/2020 9:12 AM EST
Talaado, May 19, 2020 (HOL) - Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” safiirka Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Kenya ayaa waxa uu ka jawaabay warbixin uu sii daayay Telefashinka Citizen ee fadhigiisu yahay Nairobi oo sheegay in safaaradda Soomaaliya ay heshiis qarsoodi ah la gashay cisbitaal ku yaalla magaalada Nairobi gaar ahaan xaafadda Islii .

5/19/2020 9:05 AM EST
Talaado, May 19, 2020 (HOL) - Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka ayaa maanta shaaca ka qaadday inay gacanta ku hayaan Dad ku eedeysan ganacsi sharci darro ah.

5/19/2020 8:14 AM EST
Talaado, May 19, 2020 (HOL) - Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Mudane Xildhibaan Sadik Xirsi Warfa iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimadda Muqdisho, Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta si wadajir ah u saxiixay mashruuc lagu caawinayo dadka danyarta ah ee nugul, oo wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ay maanta ku wareejisay gobolka Banaadir.

5/19/2020 4:07 AM EST
Talaado, May 19, 2020 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Karaash ayaa cuno qabatayn laga saaaray in wararkiisa lagu baahiyo xarumaha warbaahinta ku hadasha afka maamulka Puntland, sida PuntlandTv iyo barta internetka.

5/19/2020 12:14 AM EST
Talaado, May 19, 2020 (HOL) - Ganacsatada Qaadka iyo Beeraleyda Mira ee dalka Kenya ayaa waxay dhigeen mudaaharaad ay kagasoo horjeedaan xayiraada saaran Qaadka Soomaaliya loo dhoofin jiray oo ku dhawaad muddo saddex bilood xayiran.