4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 17, 2020
Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay qaraxii Gaalkacyo, kana tacsiyeey geerida guddoomiyahii Mudug ee Puntland
 

Axad, May 17, 2020 (HOL) - Wasiirka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka hadlay qaraxii duhurnimadii maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ee lagu dilay guddoomiyahii gobolkaasi ee dhinaca Puntland Axmed Muuse Nuur.

Wasiir Maareeye ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay qaraxaasi ee madax iyo shicibba lahaa, isagoo tilmaamay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay aad uga xuntahay falkaasi ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Dhinaca kale Al-shabaab ayaa sheegtay weerarkaasi, sida lagu baahiyay war lagasoo xigtay oo ay qoreen baraha dhinaca wararka ee taageera .

Qaxarii maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo ahaa mid ismiidaamin ah ayaa lala eegtay marxuum Axmed Muuse Nuur xilli uu kasoo baxay xafiiskiisa, waxaana la geeriyooday darawalkiisii iyo seddex qof oo ilaalinayay.

Wareysi uu kol hore siiyay warbaahinta guddoomiyahii Gaalkacyo ee maanta geeriyooday ayaa waxa uu ku sheegay inuu dareemayo khatar ammaan , iyadoo uu tilmaamay digniin ay siiyeen ciidamada la dagaallanka argagaxisada Puntland oo ku saabsaneyd inuu jiro weerar isaga ka dhan ah oo ay Al-shabaab maleegayaan.

Waxana uu  hadalkiisa ku daray in ay ka codsadeen inuu yareeyo dhaqdhaqaaqiisa iyo inuusan tegin meelaha dadku ay ku badanyihiin, si uu kaga badbaado khatar isaga ka dhan ah.

Waxa uu noqonayaa guddoomiyahii labaad oo heer gobol ah oo Puntland qarax looga dilo dhowr bil gudaheed, horay ayaa qarax ismiidaamin ah oo lala eegtay uu ugu geeriyooday guddoomiyahii gobolka Nugaal Cabdisalaan Xirsi Gujir.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]