4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 17, 2020
Soomaaliya oo qorsheyneysa in ay dib usoo celiso muwaadiniinteeda Caalamka ku xayiran
 

Axad, May 17, 2020 (HOL) - Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo kulan la qaatay guddiga ka hortagga iyo xakameynta xanuunka Coronavirus ayaa waxa uu sheegay in dowladdu ay dooneyso in ay dib usoo celiso dadka Soomaaliyeed ee ku xayirmay meelo badan oo caalamka ah. Iyadoo la dhowrayo caafimaadka dadkaasi.

“Waxaan u mari doonnaa nidaamyada caalamiga ah in dadkaasi dalka lagusoo celiyo, iyadoo la ilaalinayo bad-qabookoda” ayuu Xasan Cali Kheyre u sheegay guddiga.

Soomaali badan ayaa ku xayiran meelo kala duwan oo caalamka ah, waxaana kamid ah dalka Iiraan oo ay muddo seddex bilood ah ku go’doonsanyihiin 13 muwaadin oo Soomaaliyeed kuwaas oo 11 kamid ah ay yihiin maxaabiis waddankaasi lagasoo daayay, halka qof kamid ah dadkaasi uu yahay aqoonyahan dhameystay jaamacad uu Iiraan ka dhiganayay iyo Danjire Maxamed Xuseen Awliyo oo ka shaqeynayay sidii maxaabiistaas Soomaaliya loogusoo celin lahaa.

“ Waa hadal wanaagsan haddii dowladdu ay dooneyso in ay dib usoo celiso muwaadiniinta go’doonsan ee raba in ay dib ugusoo laabtaan dalkooda, waxaana ku boorrin lahaa in Il gaar ah loo yeesho dadkaan ku xayiran Iiraan” ayuu u sheegay HOL Maxamed Xuseen Awliyo.

Inkastoo muwaadiniintaasi Soomaaliyeed ay ku xayiranyihiin Iiraan, haddana xukuumadaha Muqdisho iyo Tehran kama dhexeeyo calaaqaad diblumaasiyadeed.

Tan iyo wixii ka dembeeyay markii uu aad dunida ugu baahay xanuunka COVID-19, waxaa la xeray inta badan dalalka adduunka, taasina waxay sababtay in muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed ay ku xayirmaan meelo kamid ah caalamka.

Hadalka ra’iisul wasaare Xasan Cali Khyere ayaase noqonaya mid dad badan oo Soomaaliyeed oo meelo kala duwan ku xayirnaa rajo galinaya, balse waxaa la eegayaa sida loo fuliyo iyo goorta la dhaqan-geliyaba.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]