4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 17, 2020
Xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya oo sheegay inuu soo gabagabeeyay baarista musuq maasuqa loo haystay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya
 

Axad, May 17, 2020 (HOL) - Xeer ilaaliyaha guud Soomaaliya, Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in ay hayaan cadeymo ka dhan ah saraakiil katirsan wasaaradda caafimaadka Soomaaliya oo lagu hayo musuqmaasuq dhowaana maxkamad la geyn doono.

Xeer ilaaliyuhu wuxuu sheegay inay gacanta ku hayaan dukumentiyo ay kamid yihiin warqadaha lagu kala qaato lacagaha iyo heshiisyo uu sheegay in loo sameystay in hantida ummadda Soomaaliyeed lagu musuq maasuqo.

Wuxuu sheegay in kiisaskaan loosoo xiray dad ka badan labaatameeyo qof oo ay kamid yihiin agaasimayaal wasaaraddeed, madaxda barnaamijyada ay wado wasaaradda caafimaadka Soomaaliya. La taliyayaal iyo madaxda shirkaddo gaar loo leeyahay oo la shaqeeya wasaaradda caafimaadka.

Xeer ilaaliyuhu wuxuu sheegay in xafiisku xayiraad iyo fatashaad ku sameeyay akoono kala duwan oo ay leeyihiin eedeesanayaasha iyo shirkaddaha lala xiriirinayo musuqa, si xog dheeri ah looga helo akoonada la tuhunsan yahay in lacagaha la lunsaday lagu shubtay.

’’Xafiiska xeer ilaaiyuhu wuxuu ummadda Soomaaliyeed u sheegayaa in xoriyad ka qaadida dhammaan eedeesanayaasha loo maray habraaca sharcigu ogol yahay,’ ayuu yidhi Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud.

Xeer ilaaliyuhu wuxuu caddeeyay inuu soo gabagabeeyay baaris qoto dheer oo lagu sameeyay kiiska musuq maasuqa wasaaradda caafimaadka, wuxununa tilmaamay inuu maxkamada awooda u leh ugudbiyay lagana sugayo inay muddayso dhegaysigiisa.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]