4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 16, 2020
Qatar oo gargaar caafimaad oo looga hortagayo covid19 ku wareejisay Soomaaliya


Sabti, May 16, 2020 (HOL) - Dowladda Qatar, ayaa Sabtidii maanta Muqdisho kasoo dajisay deeq gargaar caafimaad oo deg deg ah oo ay ugu talo gashay Soomaaliya, si looga hortago loona xakameeyo faafitaanka corona (Covid-19).

Bayaan kasoo baxay Sanduuqa Horumarinta Qadar (QFFD) oo loosoo wakiishay gargaarkaan caafimaad, ayaa wuxuu sheegay in 10 tan oo qalab caafimaad iyo agabyo kale, sida maaskaro iyo qalab loogu talagalay shaqaalaha caafimaadka, ay diyaarad milatari ka dajisay Muqdisho.

Agaasimaha guud ee Sanduuqa Horumarinta Qatar (QFFD) Khalifa bin Jassim Al-Kuwari ayaa carabka ku adkeeyay in Qatar ay markasta garab istaagi doonto dadka walaalaha ah ee Soomaaliyeed xilligan dhibaataysan iyadoo la siinayo kaalmooyin bini'aadanimo iyo in lagu taageero mashaariic horumarineed.

Wuxuu xusay in sanduuqa horumarinta Qatar oo lasoo gaabiyo QFFD uu bixiyay gargaar bina-aadamnimo oo deg deg ah intii lagu jiray fatahaadii Soomaaliya ee dabayaaqadii sanadkii hore, oo ay weheliso kaalmo lacageed iyo mid caafimaad oo loogu tala galay dhibanayaashii qaraxii dhowaan ka dhacay Muqdishu, iyadoo kuwii dhaawacmay loo qaaday Doha.

Sanduuqa Horumarinta Qadar (QFFD) wuxuu sidoo kale sheegay inuu Soomaaliya ka fulinayo mashaariic horumarineed oo kala duwan, kuwa ugu muhiimsanna waa mashruuca Wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar oo ku kacaysa $ 165 milyan.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]