3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 16, 2020
Midowga Yurub oo lacago maalaayiin Euro ah ku taageeraya dalalka geeska Afrika
 

Sabti, May 16, 2020 (HOL) - War qoraal ah oo kasoo baxay midowga Yurub ayaa waxaa lagu sheegay in lacag dhan €105.5 ay ku taageerayaan waddamada ku yaalla geeska bari ee qaaradda Afrika, si wax looga qabto xaaladaha Bani-aadannimo ee ka taagan dalalkaasi.

“Midowga Yurub waxaa ka go’an garab istaagga dalalkaasi wajahaya xaaladda adag, sida  xanuunka Coronavirus oo ay hadda la tacaalayaan” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Midowga yurub.

Soomaaliya ayaa la qorsheynayaa in saamiga ugu badan lacagtaasi hesho, waxa uuna qorshuhu yahay in la siiyo qarash gaaraya €48 million, halka Jabuuti loo qoondeeyay lacag dhan shan boqol oo kun oo Euro (€500,00), lacagtaas waxaa sidoo kale la gaarsiin doonaa dalalka Kenya iyo Itoobiya oo qudhooda la tacaalaya xanuunka COVID-19.

Waddamada ku yaalla geeska bari ee qaaradda Afrika ayaa waxay la tacaalayaan dhibaatooyin ay ka mid yihiin colaado, isbedalka cimilada, faqri iyo xanuunka Coronavirus oo dhibaato xooggan oo caafimaad iyo mid dhaqaalaba u geystay.

Abdulaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
5/16/2020 6:46 PM EST
Sabti, May 16, 2020 (HOL) - Dowladda Qatar, ayaa Sabtidii maanta Muqdisho kasoo dajisay deeq gargaar caafimaad oo deg deg ah oo ay ugu talo gashay Soomaaliya, si looga hortago loona xakameeyo faafitaanka corona (Covid-19).

5/16/2020 5:34 PM EST
Sabti, May 16, 2020 (HOL) - Bangiga adduunka ayaa oggolaaday $ 137 milyan oo doollar si loogu xoojiyo dagaalka Soomaaliya ee ka dhanka ah COVID19, abaarta iyo fatahaadaha.

5/16/2020 12:43 PM EST
Sabti, May 16, 2020 (HOL) - Hal qof ayaa ku dhintay fatahaada wabiga Shabeelle kadib markii aay qaadeen biyo xowli ah oo kasoo rogmaday wabiga, waxaana lasoo badbaadiyay in kabadan 10 qof.

5/16/2020 6:49 AM EST
Sabti, May 16, 2020 (HOL) - War kasoo baxay goor dhow wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in 19 xaalad oo cusub oo COVID-19 ah laga helay deegaannadaasi, taas oo kor usii qaadday guud ahaan tirada uu soo riday xanuunka Coronavirus.

5/16/2020 6:22 AM EST
Sabti, May 16, 2020 (HOL) - Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa waxa uu ka hadlay arrinta ku saabsan dacwadda badda ee taalla maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ, una dhexeysa waddamada Soomaaliya iyo Kenya, kadib markii warbaahintu ay sii daysay macluumaad muujinaya in xukuumadda Nairobi ay codsatay in dib loo dhigo markii seddexaad garmaqalka labada dal sababa jiro oo hadda ay wajahayaan labada dalba dib loogu dhigo.

5/16/2020 4:54 AM EST
Sabti, May 16, 2020 (HOL) - Diyaarad sidday gargaar caafimaad oo ka socday waddanka Qatar ayaa waxay gaartay magaalada Hargeysa ee Somaliland, waxaana loogu tala-galay deeqdaas in lagu caawiyo dadka la xanuunsanaya COVID-19, iyo agabka kale .

5/16/2020 2:27 AM EST
Sabti, May 16, 2020 (HOL) - Dowlada Kenya ayaa lagu soo waramayaa inay la gaartay maxkamada caalamiga ah ee cadaalada (ICJ) inay codsato kordhinta dhageysiga dacwada muranka xadka badda oo sanado socdey.

5/16/2020 1:24 AM EST
Sabti, May 16, 2020 (HOL) - Baarlamaanka Sweden ayaa u codeeyay in Sweden bixiso 2 milyan oo Yuuro oo lagu taageerayo cafinta deynta Soomaaliya uu ku leeyahay Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF).