4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 16, 2020
Qatar oo gargaar caafimaad geysay Hargeysa
 

Sabti, May 16, 2020 (HOL) - Diyaarad sidday gargaar caafimaad oo ka socday waddanka Qatar ayaa waxay gaartay magaalada Hargeysa ee Somaliland, waxaana loogu tala-galay deeqdaas in lagu caawiyo dadka la xanuunsanaya COVID-19, iyo agabka kale .

Gargaarkaan oo aysan weli so rasmi ah u shaacin mas’uuliyiinta dhinaca caafimaadka ee Somaliland, waxaa la filayaa in wax weyn uu kusoo kordhiyo adeegga loo sameeyo bukaannada ku jira xarumaha lagu daryeelo dadka uu soo rito Coronavirus .

Dowladda Qatar iyo hoggaanka Somaliland siyaasad ahaa maaha kuwa isku wanaagsan, iyadoo horay lahajad adag uu ku dhaliilay xukuumadda Dooxa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Dawladda Qatar ayaa gagaar caafimaad gaarsiisay dalalka ay ka mid yihiin Tunisa, Algeria, Rwanda, Lebnan, Yemen, Palastain, Albania, Congo iyo Angola.

Qatar oo xiriir dhaw la leh dalka Soomaaliya ayaan ilaa iyo hadda aanan soo gaarsiinin wax gagaar ah oo lagula dagaalao cudurka COVID-19.
 
Soomaaliya ayaa gargaar caafimaad oo lagu tacaalo cudurka COVID-19 ka heshay wadamada Turkiga, Imaaraadka Carabta, Markeykanka iyo Shiinaha.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]