4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 16, 2020
Barlamaanka Sweden oo meel mariyay in 2 Milyan Yuuro ah lagu taageero deynta cafinta Soomaaliya
 

Sabti, May 16, 2020 (HOL) - Baarlamaanka Sweden ayaa u codeeyay in Sweden bixiso 2 milyan oo Yuuro oo lagu taageerayo cafinta deynta Soomaaliya uu ku leeyahay Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF).

Codbixinta ayaa si wada jir ah loogu taageeray soojeedinta marka laga reebo tobanka xildhibaan ee ka tirsan ergada garabka midig ee xisbiga Sverigedemokraterna, kuwaas oo dhamaantood ka soo horjeestay arrintaas, sida lagu sheegay warbixin uu qoray Avpixlat oo barta internetka ee xiriirka dhow la leh xisbiga diidan soogalootiga Sweden.

Kahor codbixinta, Dennis Dioukarev, oo ah xildhibaan ka tirsan xisbiga dimuqraadiga ah ee Sweden oo wakiil ka ah magaalada Gothenburg, ayaa su’aal ka keenay sababta ay tahay in loo adeegsado hantida canshuuraha Sweden in lagu bixiyo deynta Soomaaliya.

Go'aanka Baarlamaanku wuxuu si gaar ah u tixgeliyay in adduunku uu hadda galayo hoos u dhacii ugu xumaa ee dhaqaale taas oo ay sabab u tahay  masiibada cudurka 'Cohannavirus' (COVID-19).

Soomaalidu waxay ka mid yihiin bulshooyinka soogalootiga ah ee ugu waaweyn dalka Sweden. Waxaa la qiyaasayaa in ay hada kunool yihiin 300,000 oo Soomaali ah oo kunool Sweden.

Inbadan oo kamid ah waxay ku suganyihiin magaalada Rinkeby, oo ah xaafad katirsan Stockholm oo loogu magac daray Muqdisho yar.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]