4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 11, 2020
Wasiirka ganacsiga Puntland oo shaaciyay in laga helay cudurka Covid19
 

Isniin, May 11, 2020 (HOL) -Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Warshadaha iyo Maalgashiga dowlad goboleedka Puntland Cabdullaahi Cabdi Xirsi, ayaa shaaciyay in laga helay cudurka Coronavirus, kadib markii uu qoraal kooban kusoo daabacay bartiisa Facebook.

Guddiga Puntland u qaabilsan la dagaalanka Covid19, ayaa habeen kahor shaaciyay in wasiir katirsan Puntland iyo xildhibaan laga helay cudurka, inkastoo aysan shaacin magacyada masuuliyiintaas.

Wasiirka ganacsiga oo sheegay in sabtidii laga helay cudurka, ayaa isku karantiilay gurigiisa islamarkaana xaaladdiisu ay wanaagsan tahay, balse wuxuu sheegay maalmihii uu cudurka kusoo bilaabanayay inuu aad u xanuunsaday.

Waxaa uu sheegay isagoo caafimaadka qaba inuu tagay magaalada Qardho uuna kamid ahaa wasiiradii gurmadka, balse markii uu kusoo laabtay magaalada Garowe ayuu tilmaamay inuu dareemay xanuunka.

Puntland ayaa kamid ah meelaha uu aadka ugu faafay cudurka Covid, waxaana tirada dadka laga helay cudurka ay aad u korortay markii la isugu tagay Qardho, halkaas oo dad xanuunkii qabay ay geeyeen kuna sii fidiyeen dad kale.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online