Somaliland iyo midowga Yurub oo kala saxeexday mashruuc lagu ilaalinayo asaarta qadiimiga ah ee Laasgeel
Isniin, March, 09, 2020 (HOL )– Xukuumadda Somaliland iyo midowga Yurub ayaa heshiish kala saxeexday
mashruuca dhawridda asaarta taariikhiga ah ee Laasgeed oo ku taalla bariga
magaaladda Hargeysa.
Munaasibadan heshiishka lagu kala saxeexanayey waxa ka qaybgallay
madaxweyne ku xigeenka Somaliland, wasiirka ganacsiga iyo dalxiiska iyo
wakiilka Midowga yurub u qaabilsan Soomaaliya. Madaxweyne ku xigeenka iyo wafti
uu hoggaaminyo ayaa waxay booqasho ku tageen Buurta Laasgeel oo ah goob leh
taariikh soo jireen ah in ka badan Toban kun oo sanno, waxaana uu Madaxweyne ku
xigeenka kormeer ku sameeyey dhammaan Aasaarta qadiimiga ah ee Buurta laasgeel.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa ka hadlay munaasibad balaadhan oo loo
sameeyey mashruuca Dhawrida iyo badbaadinta taariikhda soo jireenka ah ee
Degmada laasgeel oo midowga yurub maalgalin doonno.
“Qaran ahaan waan dareensanaa
qiimaha ay leedahay iyo ummadda ay soo jiiday, dadka ay ina barayso aqoonyahan
badan ayey soo jiidaa runtii oo halkan yimaada, aniga qudhayda wax badan iga
bedeshay runtii, Xukuumadayadu waxay diyaar u tahay in aad loo horumariyo”ayuu
yidhi madaxweyne ku xigeenka Somaliland Saylici.
Waxaanu intaas ku daray “Dhammaanteen aan gacmaha isu qabsano inaan wada
ilaalino aasaarta aan joogno iyo kuwii kale ee la helaba aad iyo aad baad u
mahadsan tihiin”
Ugu Danbayntiina waxaa halkaasi heshiis Mashuurca Ilaalinta soo jireenka
Taariikhda Laasgeel ku kala saxeexday Somaliland iyo Midowga Yurub iyadoo uu
Dawladda Somaliland u saxeexay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Warshadaha iyo
Dalxiiska Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) halka uu Midowga Yurubna u saxeexay Amb
Nicolas Berlanga, waxaana mashruuca fulinaysa Xarunta Dhaqanka Ee Hargeysa uu u
saxeexay Gudoomiyaha Xaruntaasi Jaaamac Muuse Jaamac.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.