3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 31, 2020
Somaliland oo laga helay labadii kiis ee ugu horeeyay cudurka Coronavirus
 

Talaado, Maarso, 31, 2020 (HOL)- Wasiirka caafimaadka Somaliland, Cumar Cali Cabdulaahi oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa , ayaa sheegay in labadii kiis ee ugu horeeyay ee Coronavirus laga helay labo qof oo ku kala sugan Berbera iyo Burco.

Wasiirka caafimaadka ayaa sheegay qof kamid ah labada qof ee cudurka laga helay inuu u dhashay dalka China, halka mid labaadna uu yahay Soomaali ka yimid dalka Ingiriiska.

“Waxaa maanta idiin xaqiijinayaa in Somaliland laga helay labo kiis oo cudurka Coronavirus ah, kadib baaritaan lagu sameeyay labadaas qof oo kala ah nin Shiinees ah oo shaqaale ah iyo nin Somalilander ah oo haysta dhalashada Ingiriiska” ayuu yidhi wasiirka caafimaadka Somaliland.

Wasiir Cumar, waxa uu sheegay, in dalka Kenya lagusoo sameeyay baaritaanka caafimaad ee laga qaaday labada qof ee cudurka laga helay, isagoo hadalkiisa ku daray in xaaladdooda ay haatan wanaagsan tahay.

“Waxaan amarnay in la raadiyo dhammaan dadkii ay labadaan qof xidhiidhka la sameeyeen,  si iyaga loo hubiyo caafimaadkooda,“ayuu hadalkiisa ku daray.

Labo maalin kahor ayay ahayd markii dowladda Jabuuti ay shaacisay in afar qof oo ka yimid Somaliland oo lagu qabtay degmada Lowyacadde laga helay cudurka Covid 19.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
3/31/2020 3:23 PM EST
Talaado, Maarso, 31, 2020 (HOL)- Ethiopia ayaa shaacisay inay dib u dhicidoonaan doorashooyinka guud ee loo qorsheeyay dhamaadka bisha Agoosto, iyadoo loo aaneeyayo walaaca laga qabo faafitaanka caabuqa coronavirus, guddiga doorashada ee dalkaas ayaa maanta sheegay.

3/31/2020 11:48 AM EST
Talaado, Maarso, 31, 2020 (HOL)-Maxamed Axmed Saleebaan Gooni ayaa maanta la wareegey xilka taliyaha qabta Booliska gobolka Sool, iyadoo gudookiyaha gobolka iyo masuuliyiinta ciidamada kala duwan ay goobjoog ka haayeen.

3/31/2020 11:27 AM EST
Talaado, Maarso, 31, 2020 (HOL) - Maamulka magaalada Diridhabe ayaa manta go'aano kasoo saaray cudurka dunida wareeriyay ee Covid 19. Go'aamadaan oo dhaqan-galidoona beri Abriil 01, 2020 ayaa waxaa ka mid ahaa

3/31/2020 8:13 AM EST
Talaado, Maarso, 31, 2020 (HOL)- Wasaaradda Curinta iyo Teknolojiyadda, Wasaaradda Caafimaadka iyo dhakhaatiir dhaqameedyada dalka Ethiopia ayaa ku dhawaaqay inay oggolaadeen daawo dhaqameed lagu tijaabiyey dadka iyo xoolaha tan iyo markii uu cudurku dillaacay 19-kii Diseembar 2019.

3/31/2020 6:41 AM EST
Talaado, Maarso, 31, 2020 (HOL)- Puntland ayaa xaalad karantiil ah galisay 10 qof oo ka yimid dhinaca Somaliland, sida uu sheegay wasiirka caafimaadka Puntland, Dr. Jaamac Faarax Xasan oo katirsan guddiga xakamaynta iyo wacyi galinta cudurka Coronavirus.

3/31/2020 1:41 AM EST
Talaado, Maarso, 31, 2020 (HOL)- Hal bukaan oo laga helay cudurka 'COVID-19' ee Soomaaliya ayaa soo kabsaday oo qarka u saaran in lagasii daayo isbitaal lagu karantiilay oo kuyaala magaalada Muqdisho, sida ay sheegtay wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

3/31/2020 1:32 AM EST
Talaado, Maarso, 31, 2020 (HOL)- Tirada dadka Mareykanka u dhintay coronavirus ayaa kor u dhaafay 3,000 oo qof, sida laga soo xigtay xogta laga sii daayay Isniintii shalay Jaamacadda Johns Hopkins.