3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 31, 2020
Maraykanka: Dadka u Geeriyooday cudurka Coronavirus oo gaartay 3000
 

Talaado, Maarso, 31, 2020 (HOL)- Tirada dadka Mareykanka u dhintay coronavirus  ayaa kor u dhaafay 3,000 oo qof, sida laga soo xigtay xogta laga sii daayay Isniintii shalay Jaamacadda Johns Hopkins.

Dhaqaatiirta hogaaminaya dagaalka Maraykanku kula jiro coronavirus ayaa sheegay in ay rajeynayaan in ilaa 200,000 oo qof ay u dhintaan cudurka 'coronavirus' haddii jawaabta Mareykanka ay noqoto mid kaamil ah.

Mareykanka ayaa noqday dalka uu sareeya heerka fiditaanka cudurka coronavirus, waxaana ku xiga Talyaaniga, Spain iyo Shiinaha tan iyo markuu fayraska ka soo baxay magaalada Wuhan ee Shiinaha bishii Diseembar 2019.

Waxaa jira 784,314 kiis oo la xaqiijiyay oo ah coronavirus adduunka oo idil iyo 37,638 dhimasho ah, sida uu sheegay Johns Hopkins. 165,288 ayaa ka soo kabatay cudurka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
3/31/2020 3:23 PM EST
Talaado, Maarso, 31, 2020 (HOL)- Ethiopia ayaa shaacisay inay dib u dhicidoonaan doorashooyinka guud ee loo qorsheeyay dhamaadka bisha Agoosto, iyadoo loo aaneeyayo walaaca laga qabo faafitaanka caabuqa coronavirus, guddiga doorashada ee dalkaas ayaa maanta sheegay.

3/31/2020 2:26 PM EST
Talaado, Maarso, 31, 2020 (HOL)- Wasiirka caafimaadka Somaliland, Cumar Cali Cabdulaahi oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa , ayaa sheegay in labadii kiis ee ugu horeeyay ee Coronavirus laga helay labo qof oo ku kala sugan Berbera iyo Burco.

3/31/2020 11:48 AM EST
Talaado, Maarso, 31, 2020 (HOL)-Maxamed Axmed Saleebaan Gooni ayaa maanta la wareegey xilka taliyaha qabta Booliska gobolka Sool, iyadoo gudookiyaha gobolka iyo masuuliyiinta ciidamada kala duwan ay goobjoog ka haayeen.

3/31/2020 11:27 AM EST
Talaado, Maarso, 31, 2020 (HOL) - Maamulka magaalada Diridhabe ayaa manta go'aano kasoo saaray cudurka dunida wareeriyay ee Covid 19. Go'aamadaan oo dhaqan-galidoona beri Abriil 01, 2020 ayaa waxaa ka mid ahaa

3/31/2020 8:13 AM EST
Talaado, Maarso, 31, 2020 (HOL)- Wasaaradda Curinta iyo Teknolojiyadda, Wasaaradda Caafimaadka iyo dhakhaatiir dhaqameedyada dalka Ethiopia ayaa ku dhawaaqay inay oggolaadeen daawo dhaqameed lagu tijaabiyey dadka iyo xoolaha tan iyo markii uu cudurku dillaacay 19-kii Diseembar 2019.

3/31/2020 6:41 AM EST
Talaado, Maarso, 31, 2020 (HOL)- Puntland ayaa xaalad karantiil ah galisay 10 qof oo ka yimid dhinaca Somaliland, sida uu sheegay wasiirka caafimaadka Puntland, Dr. Jaamac Faarax Xasan oo katirsan guddiga xakamaynta iyo wacyi galinta cudurka Coronavirus.

3/31/2020 1:41 AM EST
Talaado, Maarso, 31, 2020 (HOL)- Hal bukaan oo laga helay cudurka 'COVID-19' ee Soomaaliya ayaa soo kabsaday oo qarka u saaran in lagasii daayo isbitaal lagu karantiilay oo kuyaala magaalada Muqdisho, sida ay sheegtay wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.