3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 30, 2020
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo bayaan ka soo saaray saameynta dhaqaale-bulsho iyo xiriirka Shaqada ee Fayruska Covid19

Isniin, Maarso, 30, 2020 (HOL)- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Sadiq Xirsi Warfa ayaa sheegay fayruska Covid19 inuu saameyn ku sheegay shaqada, wuxuuna ku baaqay in wada-jir looga shaqeeyo sidii loo wajihi lahaa xaaladdaa.

Wasiirka oo bayaan rasmi ah ka soo saaray xaaladda fayruska Covid19 , ayaa si dheer uga hadlay saameynta dhaqaale-bulsho iyo xiriirka Shaqada ee fayruska. Bayaanka ayaa sidoo kale farrin u diray  dhammaan loo-shaqeeyeyaasha, shaqaalaha iyo guud ahaan bulshada, si loo yareeyo saameynta shaqada Covid19 ee Soomaaliya.

"Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxay sii wadaysaa caawinta shaqaalaha iyo loo shaqeeyeyaasha ee arrimaha ku saabsan xiriirka shaqada xilliga lagu guda jiro tallaabooyinka looga hortagayo fayruska Covid19." ayuu yiri wasiir Sadiq Warfa oo dhinaca kale bulshada ugu baaqay inay raacaan tilmaamaha ay bixinayso wasaaradda caafimaadka ee fayruska la xiriira.

Hoos ka akhri Bayaanka;



Iman Jama, Hiiraan Online












Click here
3/30/2020 2:56 PM EST
Muqdisho, Maarso, 30, 2020 (HOL)- Dowladda Soomaaliya oo bixinaysa dadaallo lagu dhimayo faafida fayruska Covid19 ayaa maanta soo saartay go'aan kale oo dhimaya inay bulshadu isku timaado.

3/30/2020 11:54 AM EST
Isniin, Maarso, 30, 2020 (HOL)- Cali Maxamed Caraale oo warbaahinta kula hadlay xarunta maamulka gobolka Hiiraan ayaa ka soo horjeestay xil ka qaadistii uu ku sameeyay madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle oo maalintii shalay xilka guddoomiyaha gobolka Hiiraan u magacaabay Cali Jeyte Cismaan.

3/30/2020 5:52 AM EST
Isniin, Maarso, 30, 2020 (HOL)- Dowladda Jabuuti ayaa shaacisay afar qof oo kasoo laabtay dhinaca Somaliland in laga helay cudurka Coronavurus, kadib markii baaritaan lagu sameeyay iyagoo ku sugan degmada Lowyacadde ee xuduuda kutaala.

3/30/2020 4:42 AM EST
Isniin, Maarso, 30, 2020 (HOL)- Ciidamada ammaanka Puntland ayaa xalay howlgal culus oo ay ka sameeyeen xaafadaha magaalada Garowe waxay kusoo qabqabteen dad lagu tuhunsan yahay in ay ku lug leeyihiin weerarkii ismiidaaminta ee xalay lagu dilay guddoomiyihii gobolka Nugaal, Cabdisalaan Gujir.

3/30/2020 3:41 AM EST
Isniin, Maarso, 30, 2020 (HOL)- Madaxweynaha dowlad goboeedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa kulan aan caadi ahayn la qaatay la qaatay Guddiga Amniga iyo Guddiga qaabilsan ka hortaga Cudurka Coronavirus.

3/30/2020 2:01 AM EST
Isniin, Maarso, 30, 2020 (HOL)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xalay shir guddoomiyay shirka Todobaadlaha ee maamulka gobolka Banaadir, kaasi oo ka dhacay xarunta degmada Shangaani.