3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 30, 2020
Jabuuti oo shaacisay afar qof oo ka yimid Hargeysa in laga helay cudurka Coronavirus
 

Isniin, Maarso, 30, 2020 (HOL)- Dowladda Jabuuti ayaa shaacisay afar qof oo kasoo laabtay dhinaca Somaliland in laga helay cudurka Coronavurus, kadib markii baaritaan lagu sameeyay iyagoo ku sugan degmada Lowyacadde ee xuduuda kutaala.

Xoghayaha caafimaadka Jabuuti, Dr. Saalax Benoyta, ayaa sheegay in dadkaasi laga helay cudurka Coronavirus ay doonayeen inay Jubuuti ku galaan safar lug ah kadib markii la mamnuucay socdaalkii dhinaca hawada.

Warar kale waxay sheegayaan in dadkaasi markoodii hore ay ka yimaadeen meelo ka baxsan Somaliland, balse markii la xiray hawada Jabuuti ay socdaalkooda usoo wareejiyeen dhinaca Hargeysa, iyagoo kadibna safar lug ugusoo ambo baxay Jabuuti.

Somaliland, arintaan weli kama aysna hadlin, waxayse tani keenaysaa walaac horleh oo ku saabsan fiditaanka cudurka, maadaama aan cudurka horey loogasoo sheegin Somaliland.

Tirada guud ee dadka laga helay cudurka waxay hadda maraysaa 18 qof.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
3/30/2020 2:56 PM EST
Muqdisho, Maarso, 30, 2020 (HOL)- Dowladda Soomaaliya oo bixinaysa dadaallo lagu dhimayo faafida fayruska Covid19 ayaa maanta soo saartay go'aan kale oo dhimaya inay bulshadu isku timaado.

3/30/2020 2:13 PM EST
Isniin, Maarso, 30, 2020 (HOL)- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Sadiq Xirsi Warfa ayaa sheegay fayruska Covid19 inuu saameyn ku sheegay shaqada, wuxuuna ku baaqay in wada-jir looga shaqeeyo sidii loo wajihi lahaa xaaladdaa.

3/30/2020 11:54 AM EST
Isniin, Maarso, 30, 2020 (HOL)- Cali Maxamed Caraale oo warbaahinta kula hadlay xarunta maamulka gobolka Hiiraan ayaa ka soo horjeestay xil ka qaadistii uu ku sameeyay madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle oo maalintii shalay xilka guddoomiyaha gobolka Hiiraan u magacaabay Cali Jeyte Cismaan.

3/30/2020 4:42 AM EST
Isniin, Maarso, 30, 2020 (HOL)- Ciidamada ammaanka Puntland ayaa xalay howlgal culus oo ay ka sameeyeen xaafadaha magaalada Garowe waxay kusoo qabqabteen dad lagu tuhunsan yahay in ay ku lug leeyihiin weerarkii ismiidaaminta ee xalay lagu dilay guddoomiyihii gobolka Nugaal, Cabdisalaan Gujir.

3/30/2020 3:41 AM EST
Isniin, Maarso, 30, 2020 (HOL)- Madaxweynaha dowlad goboeedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa kulan aan caadi ahayn la qaatay la qaatay Guddiga Amniga iyo Guddiga qaabilsan ka hortaga Cudurka Coronavirus.

3/30/2020 2:01 AM EST
Isniin, Maarso, 30, 2020 (HOL)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xalay shir guddoomiyay shirka Todobaadlaha ee maamulka gobolka Banaadir, kaasi oo ka dhacay xarunta degmada Shangaani.