3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 29, 2020
Puntland oo si taxadar leh u aastay qof looga shakisan yahay Coronavirus oo Garowe ku geeriyooday
 

Axad, Maarso, 29, 2020 (HOL)- Waxaa maanta magaalada Garowe lagu aasay qof kamid ahaa dadkii looga shakisanaa cudurka Coronavirus, kaasoo xalay ku geeriyooday xarun lagu karantiilo dadka laga helo calaamadaha cudurka oo dhawaan laga hirgaliyay Garowe.

Waxaa maydkiisa galbinayay shaqaalaha caafimaadka oo xiran dharka iyo qalabka looga gaashaanto cudurka.

Wasaaradda caafimaadka Puntland weli kiiskaan si cad ugama aysan hadlin, balse qoraal kooban oo ay soo sartay waxay ku beenisay inuu jiro wax kiis ah oo cudurka Coronavirus ah.

Waxaa kale oo ay sheegtay inay sharciga la tiigsandoonto dadka wararka been abuurka ah ka faafiya cudurka.

Iskusoo wada duuboo, waxaa kaliya ee ay Puntland ku beenin karto ama ku xaqiijin karto jiritaanka cudurkaan waa marka uu soo baxo natiijada baaritaanka lagu sameeyay dadka la karantiilay ee uu ku jiray qofka geeriyooday.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
3/29/2020 5:08 PM EST
Axad, Maarso, 29, 2020 (HOL)- Guddoomiyihii gobolka Nugaal Cabdisalaan Xirsi Xasan (Gujir), ayaa goor dhowayd u geeriyooday dhaawacii kasoo gaaray qarax ismiidaamin ah oo caawa lagula eegtay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

3/29/2020 3:44 PM EST
Axad, Maarso, 29, 2020 (HOL)- Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qarax ismiidaamin ah oo caawa Garowe lagula eegtay guddoomiyaha gobolka Nugaal, Cabdisalaan Xasan Xirsi Gujir iyo sarkaal la socday xilli lala beegsaday iyagoo gaarigooda ku dhex jiray.

3/29/2020 3:09 PM EST
Axad, Maarso, 29, 2020 (HOL)-Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo caawo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa sheegay inay wanaagsan tahay xaaladda guddoomiyaha gobolka Nugaal, Cabdisalaan Xirsi Gujir iyo sarkaal kale, kuwaas oo caawa ku dhaawacmay qarax ismiidaamin ah oo lala eegtay.

3/29/2020 1:28 PM EST
Axad, Maarso, 29, 2020 (HOL)- Guddoomiyihii gobolka Nugaal Cabdisalaan Xirsi Gujir ayaa ku dhaawacmay qarax ismiiidaamin ah oo goor dhowayd lagu eegtay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

3/29/2020 1:16 PM EST
Axad, Maarso, 29, 2020 (HOL)-Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa markii saddexaad u magacaabay guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, iyadoo xilka laga qaaday Cali Maxamed Caraale

3/29/2020 11:52 AM EST
Axad, Maarso, 29,2020 (HOL )–Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ahna gudoomiyaha guddida heer qaran ee u diyaar-garawga iyo ka hortaga xanuunka Covid 19 ayaa soo saaray go;aan ah in aanay dalka iman Karin rakaab ka imanaya dalalka Yurub iyo Waqooyiga Maraykanka, kuwaas oo ay la socon karaan dad qaba cudurkan Covid19.

3/29/2020 9:03 AM EST
Axad, Maarso, 29, 2020 (HOL)- Thomas Schaefer, oo ahaa wasiirka maaliyadda gobolka Hesse ee dalka Jarmalka, ayaa iskiis isku dilay kadib markii uu walaac ka muujiyay sida loola tacaali karo burburka dhaqaale ee ka dhashay coronavirus.

3/29/2020 6:17 AM EST
Axad, Maarso, 29, 2020 (HOL)- AMISOM ayaa xanibtay gelitaanka xarunta Halane oo ay ku yaalliin safaarado shisheeye iyo taliska guud ee ciiddanka Amisom. Xanibaadaan waxay qayb ka tahay dadaal loogu talagalay in lagu joojiyo fiditaanka Coronvirus.

3/29/2020 2:23 AM EST
Axad, Maarso, 29, 2020 (HOL)-Waxaa laga deyrinayaa xaalada nolaleed dhalinyaro Soomaaliyeed oo muddo dheer ku xayiran dalka Liibiya, kuwaa oo warbaahinta ku sheegay in ay la soo darseen dhibaatooyin kala duwan.