3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 26, 2020
Donald Yamomota: Soomaaliya waxaa ka muuqda mustaqbal wanaagsan

Khamiis, Maarso, 26, 2020 (HOL)- Safiirka Maraykanka uqaabilsan Soomaaliya Donald Yamamoto, ayaa dowladda Soomaaliya ugu hambalyeeyay inay gaartay go'aanka ugu dambeeya ee hannaanka deyn cafinta.

Yamomta oo qadka internetka kala hadlay wasiirka maaliyadda Soomaaliya, isagoo raacayay tilmaamaha kala fogaanshaha bulsho inta lagu jiro cudurka Coronavirus- ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay mustaqbalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in dowladda Maraykanku sii wadi doonto inay taageerto dadaalada dowladda Soomaaliya ee dib u habeynta dhaqaalaha.

Soomaaliya ku guulaysan karta saddex sano kadib in laga cafiyo deymaha caalamku ku leeyahay, iyadoo haatana maraysa meeshii ugu dambeysay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]














Click here
3/26/2020 6:39 PM EST
Khamiis, Maarso, 26, 2020 (HOL)- Raysal wasaarihii hore ee dowladdii kumeel gaarka ahayd ee Soomaliya, Ambasaddor Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), ayaa ku xanuunsanaya dalka Ingiriiska gaar ahaan London, kadib markii lasoo weriyay in uu asiibay caabuqa Covid 19.

3/26/2020 4:25 PM EST
Khamiis, Maarso, 26, 2020 (HOL)- Kadib markii caabuqa Coronavirus oo gaystay dhimasho farabadan uuna saameeyey qaarad walba, ayaa Safaarada Somalia ee Uganda waxa ay soo qaban qaabisey kulan wacyi gelin ah oo loo qabtay jaaliyada Soomaaliyeed ee Uganda.

3/26/2020 11:21 AM EST
Khamiis, Maarso, 26, 2020 (HOL )– Fadhigii golaha wasiirada Somaliland ayaa maanta soo saaray qodobo xooga lagu saarayo ka hor taga xanuunka saf mareenka ah ee coronovirus sidii loo libin laabi lahaa dedaalka xukuud iyo shacabi ahaan loogu jiro ka hortagiisa xanuunkaasi.

3/26/2020 5:37 AM EST
Khamiis, Maarso, 26, 2020 (HOL)- Wasiirka Caafimaadka dowladda Soomaaliya, Dr. Fawziya Abikar Nuur, ayaa goor dhow shir jaraa’id oo ay ku qabatay Muqdisho, ayaa xaqiijisay muwaadin Soomaali ah oo dibadda ka yimid , karintiilna ku jiray in laga helay fayruska Corona.

3/26/2020 5:05 AM EST
Khamiis, Maarso, 26, 2020 (HOL)- Qaramada Midoobay ayaa ugu hambalyeysay dowladda Soomaaliya inay gaartay go'aan qaadkii ugu dambeeyay ee barnaamijka deyn cafinta ee dalalka saboolka ah.

3/26/2020 3:43 AM EST
Khamiis, Maarso, 26, 2020 (HOL)-Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyley ayaa sheegay in guusha laga gaaray dayn cafinta in ay ku timid dadaal xooggan oo dowladdu ku bixisay dib u habeynta dhaqaalaha dalka ayna sii wadi doonto si ay u xaqiijiso horumar dhaqaale.