3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 26, 2020
Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in kiiskii labaad oo Coronavirus ah laga helay Muqdisho

Khamiis, Maarso, 26, 2020 (HOL)- Wasiirka Caafimaadka dowladda Soomaaliya, Dr. Fawziya Abikar Nuur,  ayaa goor dhow shir jaraa’id oo ay ku qabatay Muqdisho, ayaa xaqiijisay muwaadin Soomaali ah oo dibadda ka yimid , karintiilna ku jiray in laga helay fayruska Corona.

Waa kiiskii labaad ee dowladda sheegtay in laga helay Muqdisho. Balse dowladdu ma sheegin muwaadinkaas waddanka uu ka yimid iyo goorta uu ymid dalka.

Wasiirka waxay sheegtay in isaga iyo muwaadiniintii la socotay ay dhamaantood ku jiraan xaalad karantiil ah.

Dr. Fawziya Abikar Nuur, waxay sheegtay in qofka laga helay cudurka uusan weli jirkiisa kasoo muuqan calaamadihiisa ayna dowladda la tacaalidooto xaaladiisa caafimaad.

Dhawaan ayay ahayd markii dowladda federalka ay karaantiil galisay saraakiil dhalinyaro oo lagusoo tababaray dalka Talyaaniga, oo Muqdisho kasoo dagay.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]
















Click here
3/26/2020 6:39 PM EST
Khamiis, Maarso, 26, 2020 (HOL)- Raysal wasaarihii hore ee dowladdii kumeel gaarka ahayd ee Soomaliya, Ambasaddor Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), ayaa ku xanuunsanaya dalka Ingiriiska gaar ahaan London, kadib markii lasoo weriyay in uu asiibay caabuqa Covid 19.

3/26/2020 4:25 PM EST
Khamiis, Maarso, 26, 2020 (HOL)- Kadib markii caabuqa Coronavirus oo gaystay dhimasho farabadan uuna saameeyey qaarad walba, ayaa Safaarada Somalia ee Uganda waxa ay soo qaban qaabisey kulan wacyi gelin ah oo loo qabtay jaaliyada Soomaaliyeed ee Uganda.

3/26/2020 4:22 PM EST
Khamiis, Maarso, 26, 2020 (HOL)- Safiirka Maraykanka uqaabilsan Soomaaliya Donald Yamamoto, ayaa dowladda Soomaaliya ugu hambalyeeyay inay gaartay go'aanka ugu dambeeya ee hannaanka deyn cafinta.

3/26/2020 11:21 AM EST
Khamiis, Maarso, 26, 2020 (HOL )– Fadhigii golaha wasiirada Somaliland ayaa maanta soo saaray qodobo xooga lagu saarayo ka hor taga xanuunka saf mareenka ah ee coronovirus sidii loo libin laabi lahaa dedaalka xukuud iyo shacabi ahaan loogu jiro ka hortagiisa xanuunkaasi.

3/26/2020 5:05 AM EST
Khamiis, Maarso, 26, 2020 (HOL)- Qaramada Midoobay ayaa ugu hambalyeysay dowladda Soomaaliya inay gaartay go'aan qaadkii ugu dambeeyay ee barnaamijka deyn cafinta ee dalalka saboolka ah.

3/26/2020 3:43 AM EST
Khamiis, Maarso, 26, 2020 (HOL)-Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyley ayaa sheegay in guusha laga gaaray dayn cafinta in ay ku timid dadaal xooggan oo dowladdu ku bixisay dib u habeynta dhaqaalaha dalka ayna sii wadi doonto si ay u xaqiijiso horumar dhaqaale.