3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 24, 2020
Dowladda Soomaaliya oo Muqdisho ku qabatay ku dhawaad 50kg Qaad ah oo diyaaraddo lagusoo qariyay


Talaado, Maarso, 24, 2020 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigtay saddex boorso oo lagasoo buuxiyay maandooriyaha Qaadka, oo la doonayay in si qarsoodi ah lagusoo galiyo magaalada Muqdisho.

Saraakiisha amniga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, ayaa sheegay Qaadka la qabtay inuu gaarayay ku dhawaad 50KG, oo lagusoo kala qariyay dhowr diyaaradood oo gudaha dalka ka yimid oo Muqdisho ka degay saacaddo kala duwan.

Dowladdu ma shaacin garoomada ay ka yimaadeen duulimaayadaas.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, Maxamed Salaad Oomaar, ayaa sheegay dowladdu inay isticmaalayso sheybaar la marinayo diyaarad kasta iyo waxa saaran.

Sheybaarkaas wuxuu wasiirku sheegay inay u suurto galisay inay ciidamadu qabteen Jaad lagusoo dhex qariyay Oodkac dhexdiisa.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista waxa uu ugu baaqay maamulada Qaadka lagasoo geliyo degaanadooda in ay joojiyaan ayna masuuliyad iska saaraan dhibaatada maanta ka taagan dalka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
3/24/2020 4:57 PM EST
Talaado, Maarso, 24, 2020 (HOL)- Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa safiirka Shiinaha ee Soomaaliya kala wareegay Qalab Caafimaad Oo Qeyb Ka Qaadanaya Kahor tagga Faafitaanka COVID-19.

3/24/2020 4:24 PM EST
Talaado, Maarso, 24, 2020 (HOL)- Bangiga horumarinta qaaradda Afrika ayaa shaaciyay in Soomaaliya laga nadiifiyay Lacagihii amaahda ah ee uu ku lahaa Soomaaliya, taasoo gaaraysay $ 122.55 milyan oo dollar.

3/24/2020 9:37 AM EST
Talaado, Maarso, 24, 2020 (HOL)- Nin ka soo jeeda gobolka Yunnan ee Shiinaha ayaa laga helay cudurka Hantavirus isniintii taasoo keentay argagax ka dhex jira muwaadiniinta adduunka oo wali la dhibaatoonaya cudurka 'Cohannavirus' ee ka yimid China.

3/24/2020 8:09 AM EST
Talaado, Maarso, 24, 2020 (HOL )– Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng;Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in la joojiyo duulimaadyada ka imanaya dalalka uu ka dhacay cudurka Covid19,isla markaana aanu ficil inoo keenin cudurkaasi halista badan.

3/24/2020 7:59 AM EST
Talaado, Maarso, 24, 2020 (HOL)- Cabdiqaadir Maxamed Faarax (Biriq), oo ka mid ahaa ciyaartoydii hore ee Soomaaliya ayaa dalka Ingiriiska ugu geeriyooday cudurka Coranavurus.

3/24/2020 7:21 AM EST
Talaado, Maarso, 24, 2020 (HOL)- Puntlland ayaa dib uga laabatay go’aan maalintii shalay kasoo baxay guddiga ka hortagga faafitaanka cudurka Coranavirus, kuwaas oo shaacisay in muddo labo tobadaad ah la xirayo goobaha cibaadada, sida masaajida.

3/24/2020 5:08 AM EST
Talaado, Maarso, 24, 2020 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya waddaan dhaqdhaqaaqyo militari oo ka dhan ah deegaannada ay gobolka ka maamulaan Al-shabaab.