3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 22, 2020
Shiinaha: Lagama helin kiisaska cudurka coronavirus-ka 3dii maalmood ee la soo dhaafay
 

Axad, Maarso, 22, 2020 (HOL)- Guddiga Caafimaadka Shiinaha ayaa sheegay in aan saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay laga helin dalkooda kiisas cusub oo  ku saabsan COVID-19.

41 kiis oo cusub oo la diiwaan galiyay Khamiista ayaa lagu ogaadey inay dalkaas soo galiyeen rakaabka ka yimid dalka dibadiisa, sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen gudiga oo sheegay in tirada kiisaska dibedda uga yimid ay kordheen 269.

Wuha, oo ahayd xuddunta cudurka ayaa u muuqata in laga sifeeyay cudurka, kadib markii gobolkaas lagusoo rogay karantiilkii ugu weynaa uguna ugu caansanaa taariikhda, iyadoo la xiray Warshadihii, la joojiyay Gaadiidka Dadweynaha dadkuna ay gudaha guryahooda ku nagaayeen tan iyo 23-dii bishii January ee sanadkaan.

Toddobo bukaan ah ayaa u dhintey tan iyo Jimcihii gudaha dalkaa. Tirada guud ee dhimashada China waa ilaa 3,255.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
3/22/2020 6:57 PM EST
Axad, Maarso 22, 2020 - Wararka ka imanaya magaalada Afgooye ayaa sheegaya in qarax maanta ka dhacay agagaarka deegaanka Lafoole lagu dilay taliyihii booliiska ee magaalada Afgooye.

3/22/2020 5:35 PM EST
Axad, Maarso, 22, 2020 (HOL)- Dabley hubaysan oo aan haybtooda la garanayn, ayaa goor dhowayd oo caawo ah magaalada Gaalkacyo ku dilay allaha unaxariistee Mukhtaar Ahmed Omar Tinle, oo kamid ahaa xildhibaanada golaha degaanka Gaalkacyo ee dhinaca Puntland iyo qof kale oo shacab ah.

3/22/2020 9:26 AM EST
Axad, Maarso, 22, 2020 (HOL)- Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni, ayaa sheegay in ujeedo gaar ah laga leeyahay hadal guddiga Doorashada DFS kasoo yeeray oo ku saabsanaa arrimaha doorashooyinka.

3/22/2020 6:27 AM EST
Axad, Maarso, 22, 2020 (HOL)- Wasaaradda Caafimaadka ee Itoobiya ayaa Axadii maanta shaaca ka qaaday inay xaqiijisay laba kiis oo kale oo ah COVID-19, taas oo tirada guud ee kiisaska ka dhigtay 11.

3/22/2020 5:24 AM EST
Axad, Maarso, 22, 2020 (HOL)- Ugu yaraan 194 qof ayaa ku dhimatay dalka Iran, iyadoo in kabadana 1,000 qofna xaaladooda caafimaad lala tacaalayaa ilaa 6-dii Maarso, kadib markii ay ku sumoobeen cabidda khamriga loo yaqaano bootleg alcohol.

3/22/2020 2:44 AM EST
Axad, Maarso, 22, 2020 (HOL)-Kaddib howlgal ciidamada dowladda Soomaaliy ay ka sameeyeen degmada Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose oo dhawaan ay la wareegeen ayeey sheegeen in ay ku qabteen sarkaal ka tirsan Ururka Al-shabaab