3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 21, 2020
Dowladda Soomaaliya oo awaamiir kusoo rogtay muwaadiniinta dibada ka imaanaya

Sabti, Maarso, 21, 2020 ((HOL)- Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa iyada oo tixraacaysa war-saxaafadeedkii ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya 21/03/2020 oo lagu fasaxayay diyaaradaha dalka soo galaya muddo 2 maalmood ah, waxa ay kusoo rogtay awaamiir laga doonayo inay ku dhaqmaan marka dalka soo gaaraan.

Wasaaradda waxay ku wargelisay in muddo 14 cishe ah karaantiil la galinadoono dhammaan muwaadiniinta ka imaanaya 14 dal oo uu si ba’an u saameeyay cudurka Coranavirus. Waxay sidoo kale ku wargelisay dadka aan wadamadaas ka imaanin inay muddo 14 cishe ah isku karantiilaan guryahooda oo aysan usoo bixin magaalada.

Halkaan ka akhriso awaamiirta kasoo baxday wasaaradda cafimaadka.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
3/21/2020 11:18 AM EST
Sabti, Maarso, 21, 2020 ((HOL)- Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa bogaadiyay booqashada uu madaxweynaha Puntland ku tagayo magaalada Muqdisho, booqashadaas oo ah mid rasmi ah oo khamiistii lasoo dhaafay madaxweynuhu ku dhawaaqay,

3/21/2020 8:18 AM EST
Sabti, Maarso, 21, 2020 ((HOL) - Magaalada Jigjiga ee maamulka Somalida Itoobiya waxaa lagu arkayey gaadiid dagaal oo tiro badan oo ku wajahan dalka Soomaaliya.

3/21/2020 7:55 AM EST
Sabti, Maarso, 21, 2020 ((HOL)- Ururka Laanqayrta Cas ee Kenya ayaa kula taliyayay dadka reer Kiinya inay ka hortagaan maaskaro been abuur ah oo loogu talo galay in lagaga hortago cudurka coronavirus.

3/21/2020 4:38 AM EST
Sabti, Maarso, 21, 2020 ((HOL)- Dowladda federalka Soomaaliya ayaa muddo labo maalmood ah fasaxaysa Diyaaradaha keenaya muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran dalalka caalamka kuwaasi oo ku dagidoona garoomo cayiman.

3/21/2020 4:25 AM EST
Sabti, Maarso, 21, 2020 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo xalay xafiiskiisa ku qaabilay Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed ayaa kala hadlay sida la iskaga kaashan karo ka hortagga faafidda cudurka Coronavirus oo sida safmarka ah u saameeyay caalamka.

3/21/2020 4:22 AM EST
Sabti, Maarso, 21, 2020 ((HOL)- Golaha wasiiradda Puntland ayaa beeniyay in safarka madaxweyne Deni uu ku tagayo magaalada Muqdisho uu yahay mid uu wada hadal kulasoo galayo dowladda federalka Soomaaliya.