3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 21, 2020
Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo soo dhoweeyay safarka madaxweyne Deni ku tagayo Muqdisho
 

Sabti, Maarso, 21, 2020 ((HOL)- Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa bogaadiyay booqashada uu madaxweynaha Puntland ku tagayo magaalada Muqdisho, booqashadaas oo ah mid rasmi ah oo khamiistii lasoo dhaafay madaxweynuhu ku dhawaaqay,

Qoraal kooban oo lagu qoray barta twitterka UNSOM, ayaa lagu sheegay in la sugayo kulanka dhexmaridoona madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynaha Puntland, si loosii ambaqaado howlaha muhiim ah ee danaha qaran.

Beesha caaalamka ayaa horey ugu baaqday dowladda federalka iyo dowladdaha xubnaha ka ah in ay si degdeg ah iskugu yimaadaan si xal looga gaaro kala duwanaashaha udhexeeya, heshiis buuxana looga gaaro qorshayaasha qaranka ee la rabo in la gaaro sannadkaan iyo sanadka soo socda bilowgiisa.

Dhawaan, booqasho uu Garowe ku tagay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan wuxuu madaxweynaha Puntland ku booriyay inuu ka qeyb qaato sidii Soomaaliya sanadka 2021 uga dhici lahayd doorasho hal qof, hal cod.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
3/21/2020 11:30 AM EST
Sabti, Maarso, 21, 2020 ((HOL)- Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa iyada oo tixraacaysa war-saxaafadeedkii ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya 21/03/2020 oo lagu fasaxayay diyaaradaha dalka soo galaya muddo 2 maalmood ah, waxa ay kusoo rogtay awaamiir laga doonayo inay ku dhaqmaan marka dalka soo gaaraan.

3/21/2020 8:18 AM EST
Sabti, Maarso, 21, 2020 ((HOL) - Magaalada Jigjiga ee maamulka Somalida Itoobiya waxaa lagu arkayey gaadiid dagaal oo tiro badan oo ku wajahan dalka Soomaaliya.

3/21/2020 7:55 AM EST
Sabti, Maarso, 21, 2020 ((HOL)- Ururka Laanqayrta Cas ee Kenya ayaa kula taliyayay dadka reer Kiinya inay ka hortagaan maaskaro been abuur ah oo loogu talo galay in lagaga hortago cudurka coronavirus.

3/21/2020 4:38 AM EST
Sabti, Maarso, 21, 2020 ((HOL)- Dowladda federalka Soomaaliya ayaa muddo labo maalmood ah fasaxaysa Diyaaradaha keenaya muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran dalalka caalamka kuwaasi oo ku dagidoona garoomo cayiman.

3/21/2020 4:25 AM EST
Sabti, Maarso, 21, 2020 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo xalay xafiiskiisa ku qaabilay Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed ayaa kala hadlay sida la iskaga kaashan karo ka hortagga faafidda cudurka Coronavirus oo sida safmarka ah u saameeyay caalamka.

3/21/2020 4:22 AM EST
Sabti, Maarso, 21, 2020 ((HOL)- Golaha wasiiradda Puntland ayaa beeniyay in safarka madaxweyne Deni uu ku tagayo magaalada Muqdisho uu yahay mid uu wada hadal kulasoo galayo dowladda federalka Soomaaliya.