3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 21, 2020
Golaha wasiiradda Puntland oo beeniyay in madaxweyne Deni Muqdisho u aadayo wada hadal
 

Sabti, Maarso, 21, 2020 ((HOL)-  Golaha wasiiradda Puntland ayaa beeniyay in safarka madaxweyne Deni uu ku tagayo magaalada Muqdisho uu yahay mid uu wada hadal kulasoo galayo dowladda federalka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxman Dhabancad, oo ka hadlayay shir jaraa’id oo ay golaha wasiiraddu kula hadlayeen saxaafada, ayaa sheegay in madaxweyne Deni uu Muqdisho ku tagayo safar uu ugu gogol xaarayo gogol dib u heshiineed oo ay dhigtay Puntland oo lagu dhameynayo khilaafka guud ee Soomaaliya.

Wasiirka, wuxuu sidoo kale iska fogeeyeen eedeymo ay usoo jeediyeen masuuliyiinta dowladda federalka ee ka qeyb galay shirka wadatshiga, kuwaas oo tilmaamay in warmurtiyeedka kasoo baxay shirka Garowe loogu gafay dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada qeybtood.

Wuxuu sheegay war murtiyeedkii kasoo baxay shirkii wadashatiga inuu  ahaa war murtiyeed ay ku midaysnaayeen 1,800 ergo oo ka koobnaa qeybaha kala duwan ee Puntland.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
3/21/2020 11:30 AM EST
Sabti, Maarso, 21, 2020 ((HOL)- Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa iyada oo tixraacaysa war-saxaafadeedkii ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya 21/03/2020 oo lagu fasaxayay diyaaradaha dalka soo galaya muddo 2 maalmood ah, waxa ay kusoo rogtay awaamiir laga doonayo inay ku dhaqmaan marka dalka soo gaaraan.

3/21/2020 11:18 AM EST
Sabti, Maarso, 21, 2020 ((HOL)- Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa bogaadiyay booqashada uu madaxweynaha Puntland ku tagayo magaalada Muqdisho, booqashadaas oo ah mid rasmi ah oo khamiistii lasoo dhaafay madaxweynuhu ku dhawaaqay,

3/21/2020 8:18 AM EST
Sabti, Maarso, 21, 2020 ((HOL) - Magaalada Jigjiga ee maamulka Somalida Itoobiya waxaa lagu arkayey gaadiid dagaal oo tiro badan oo ku wajahan dalka Soomaaliya.

3/21/2020 7:55 AM EST
Sabti, Maarso, 21, 2020 ((HOL)- Ururka Laanqayrta Cas ee Kenya ayaa kula taliyayay dadka reer Kiinya inay ka hortagaan maaskaro been abuur ah oo loogu talo galay in lagaga hortago cudurka coronavirus.

3/21/2020 4:38 AM EST
Sabti, Maarso, 21, 2020 ((HOL)- Dowladda federalka Soomaaliya ayaa muddo labo maalmood ah fasaxaysa Diyaaradaha keenaya muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran dalalka caalamka kuwaasi oo ku dagidoona garoomo cayiman.

3/21/2020 4:25 AM EST
Sabti, Maarso, 21, 2020 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo xalay xafiiskiisa ku qaabilay Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed ayaa kala hadlay sida la iskaga kaashan karo ka hortagga faafidda cudurka Coronavirus oo sida safmarka ah u saameeyay caalamka.