3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 20, 2020
Ehelada dad lagu laayay duqayn ka dhacday Jannaale oo beeniyay war kasoo baxay taliska Africom
 

Jimco, Maarso, 20, 2020 ((HOL)- Diyaarad nuuca dagaalka ah oo Mareykan ah oo bartilmaameedsatay mintidiinta Al-shabaab ee Soomaaliya ayaa todobaadkii hore dishay wiil yar iyo nin da ’ah. Ehelka dadka dhintay ayaa warkaan u sheegay The Intercept.

Balse, War saxaafadeed kasoo baxay taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay duqaynta oo ka dhacay meel u dhow Janaale, oo ah 60 kiiloomitir koonfur ka xigta Muqdisho, lagu dilay shan xubnood oo katirsan Alshababa. Waxaa kale oo lagu sheegay in aysan jirin waxyeello rayid ah.

Farxaan Maxamuud Maxamed, oo deggan Janaale oo khadka taleefanka kula hadlayay The Intercept, ayaa u sheegay in Maxamed oo 13 jir ah iyo Aabihiis Cabdi Farxaan Maxamuud ay kusii jeedeen dugsi uu wiilkiisu dhigto markii gantaal Mareykanku uu ku dhuftay bas ay la  socdeen.

Nin kale oo isna saarnaa baska, oo ahaa 70-jir lagu magacaabo, Cabdiraxmaan Cali Waadhoor, ayaa sidoo kale lagu dilay weerarka, sida uu sheegay wiilkiisa Cabdullaahi C / raxmaani Cali.  “Aabahay waa nin naafo ah. Waligiis dhib uma geysan qof kale. ” ayuu yidhi Cali, oo ku nool London oo telefoonkiisa ku arkay sawirrada maydka aabihiis.

Guud ahaan dadka weerarkaas lagu dilay ayaa gaaraya illaa lix qof oo rayid ah, sida uu sheegay xildhibaan Mahad Dhoore oo katirsan barlamaanka koonfur galbeed.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
3/20/2020 12:29 PM EST
Jimco, Maarso, 20, 2020 ((HOL)- Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya, Ambassador Axmed Ciise Cawad, oo ku hadlayay magaca wafuudii dowladda federalka uga qeyb galay shirkii wadatashiga Puntland, ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan qodobo kamid ah war murtiyeedkii shirka lagasoo saaray.

3/20/2020 9:26 AM EST
Jimco, Maarso, 20, 2020 ((HOL)- Maalintii labaad, waxaa si rasmi ah Soomaaliya oo idil uga dhaqan galay go’aan dowladda Soomaaliya ku joojisay duulimaadyada caalamiga ah ee Soomaaliya, sababo la xidhiidha ka hortagga faafitaanka cudurka Coranavirus.

3/20/2020 9:26 AM EST
Jimco, Maarso, 20, 2020 ((HOL)- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa maanta ka hadlay saameynta uu xanuunka Coronavirus(COVID-19) ku yeeshay Ganacsiga Soomaaliya, waxaana uu carabka ku dhuftay in cudurkaasi aanu illaa hadda saameyn xoog ah ku yeelanin Ganacsiga wadanka balse ay jiraan waxyaabo yar yar oo ay ka mid yihiin waxyaabaha lagu nadiifiyo gacmaha oo qiimahoodu sare u kacay.

3/20/2020 4:05 AM EST
Jimco, Maarso, 20, 2020 ((HOL)-Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa wareegto uu saaray xilalkii ugu qaaday qaar ka mid ah golihiisa Wasiirrada isaga oo dhan kalana magacaabay Wasiirro cusub.