4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 30, 2020
Abiy Ahmed oo hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Malawi
 

Talaado, Juun 30, 2020 (HOL) - Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa waxa uu hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Malawi Lazarus Chakwera, kaas oo dhowaan ku guuleystay doorashadii dalkaasi ka dhacday.

“Anigoo ku hadlaya Afka Shacab weynaha Itoobiya iyo kan dowladdaba waxaan hambalyo ballaaran ujeedinayaa madaxweynaha cusub ee Malawi mudane Lazarus Chakwera oo ku guuleystay doorasho cajiib ah “ ayuu Abiy Ahmed kusoo qoray bartiisa Twitter-ka

 “Itoobiya waxay horay usii wadi doontaa wada shaqeynta iyo iskaashiga dhow ee Afrikaannimada ku saleysan” ayuu mar kale ra’iisul wasaaraha Itoobiya hadalkiisa ku daray.

Madaxweynaha la doortay ee Malawi Lazarus Chawera ayaa waxaa la dhaariyay Axaddii aynu kasoo gudubnay, taasi oo micna weyn u laheyd shacabka waddankaasi dimuquraaddiga ah.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]