4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 29, 2020
Beesha caalamka oo barlamaanka Soomaaliya ugu baaqday in uusan go'aan kama-dambeys ah ka gaarin arimaha doorashada
 

Isniin, Juun 29, 2020 (HOL) - Beesha caalamka ayaa bayaan ay soo saartay waxay carrabka ku adkeysay baahida joogtada ah ee loo qabo wadahadal dhameystiran oo faah-faahsan oo dhexmara madaxda DFS iyo Dowlad Goboleedyada.

Waxay soo dhoweeyeen ku dhawaaqista uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ ku dhawaaqay in uu kulan la yeelan doono dhammaan madaxda Dowlad Goboleedyada 5ta illaa 8da Luulyo, iyagoo ku booriyay in kulankaas uu noqdo tallaabada xigta ee wada-tashi ballaaran oo ay yeeshaan saamilayda ugu muhiimsan.

Beesha caalamka ayaa barlamaanka Soomaaliya ugu baaqday in la xoojiyo heshiiska siyaasadeed ka hor inta aan la gaarin go’aannada kama-dambeysta ah ee loo marayo qabashada doorashooyin qaran iyo arrimaha kale ee degdega loogu baahanyahay ee leh hortabinta qaran.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]