4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 28, 2020
Wasiir Sadiq Warfa oo khudbad ka jeediyay shirka Wasiirrada Arrimaha Bulshada Jaamacadda Carabta

Axad, Juun 28, 2020 (HOL) - Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sadiq Xirsi Warfa ayaa maanta khudbad ka jeediyay kullan deg deg ah oo aalada Fogaan-Aragga ay ku yeesheen Wasiirrada Arrimaha Bulshada ee waddamada Jaamacadda Carabta.

Kullankan ayaa diiradda lagu saaray saameynta ay kala kulmeen waddamada Jaamacadda Carabta caabuqa Covid-19,iyadoo khudbad la xiriira saamaynta dhaqaale iyo bulshada ee Soomaaliya ay cudurka kala kulantay uu jeediyay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

"Shirka waxaan ku soo bandhignay dedaallada Dowladda ee ka hortagga fayruska iyo sida uu saameyn ugu yeeshay bulshada iyo dhaqaalaha dalka. Waxay dowlad ahaan nagu ammaaneen hannaanka aan kala hortagnay Covid-19." ayuu yiri Wasiir Sadiq.

" Dal ahaan wali xannuunka wuu taaganyahay, balse si la arki karo ayay dowladda usoo bandhigtay qorshe ka hortag, waxaana la dhimay canshuurka dhammaan agabyada qusul daruuriga ah".ayuu ku daray.

Kullanka oo warmurtiyeed laga soo saaray, ayaa la sheegay ka dib markii wasiirrada ay dood dheer yeesheen in la isku raacay sidii lagu gaari lahaa qorshe waara oo wadajir ah si dhaqso ahna uga jawaabaya a Covid-19 iyo xannuunada faafa, iyadoo taageerro la siinayo waddamada u nugul Colaadaha iyo Dhibaatooyinka Dhaqaale.

Iman Jama, Hiiraan Online
[email protected]