4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 28, 2020
Daahir Geelle “Xildhibaannada Baarlamanka shalay waxay daaweeyeen shacabka Gobolka Banaadir”
 

Axad, Juun 28, 2020 (HOL) - Wasiirkii hore ee warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle ayaa waxa uu si weyn usoo dhoweeyay tallaabadii shalay aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya uu ku ansixiyay in Gobolka Banaadir uu aqalka sare ee Baarlamanka dalka uu ku yeesho metalaadda 13 xubnood .

Waxa uuna tilmaamay in arrintaasi ay aheyd wax wanaagsan oo daaweyn kareysa shacabka Gobolka, isagoo intaa ku daray haddii mar Banaadir ay yeelatay matalaad siyaasadeed, in haddana loo jiheysto sidii caasimadda qaranka ay ku heli laheyd meeqaam gaar ah.

” Waxaan bogaadinayaa tallaabadii Golaha Shacabku maanta ku meel mariyeen in gobolka Banaadir loo qoondeeyo 13 senator oo uu ku yeesho aqalka sare ee dalka.

Waxay daweyneysaa tabasho ay qabeen dadka ku nool caasimadda oo aan matelaad ku lahayn Golaha Aqalka sare “ ayuu Daahir Geelle ku yiri qoraal uusoo saaray .

Isagoo mar kale ka hadlayay arrinta maqaamka Muqdisho iyo muhiimadda ay leedahay ayaa waxa uu si weyn usoo hadal qaaday in arrintaasi lasii dhaqaajiyo.

“Arrin kale oo muhiim ah waxay tahay Maqaamka caasimadda oo isaguna leh mudnaan gaar ah, taas oo aan ku imaaneyn soo dhacsasho ee ku imaaneysa ka dhaadhicin walaalaha Soomaaliyeed inay caasimadda siiyaan maqaam marka hore u adeegaya qaranka, dadka degganna siinaya waxa ay mudan yihiin”, ayuu mar kale sheegay Daahir Geelle.

Mas’uuliyiin badan ayaa illaa iyo xalay soo dhoweynayay tallaabadii shalay aqalka hoose ee Baarlamanka uu ku meel mariyay xubnaha 13 ah ee saami ahaa ku matali doona aqalka sare Gobolka Banaadir oo ah ubucda dowladda Soomaaliya ay ku shaqeyso.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]