4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 27, 2020
Xildhibaano katirsan aqalka sare oo ku eedeeyay madaxtooyada inay faro galin xoogan ku sameysay xeerarka doorashooyinka

Sabti, Juun 27, 2020 (HOL) - Xubno kamid ah aqalka sare oo qeyb ka ahaa guddi loo magacaabay dhameystirka afar xeer oo ka dhimanaaa sharciyadda doorashooyinka, ayaa ku eedeeyay madaxtooyada Soomaaliya inay wax ka bedel ku sameysay xeerarkaan iyadoo adeegsanaysay xubno katirsan guddigooda.

Waxay wax ka bedelkaan ku tilmaameen inay tahay arin siyaasadeed oo lagasoo abaabulay madaxtooyada islamarkaana lagu doonayo in lagu majaxaabiyo sharciyadda Doorashooyinka Soomaaliya, si dano gaar ah loogu fushado.

Hadalka Senatoradan ayaa kusoo beegmaya iyadoo maanta lagu wado in barlamaanka Soomaaliya uu go’aan ka gaaro xeerarkaan iyo arimaha kale ee ku xeeran doorashooyinka marka uu dhegaysto warbixnta guddiga doorashooyinka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]