4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 25, 2020
Dowladda Imaaraatka oo agab caafimaad gaarsiisay Jubbaland
 

Khamiis, Juun 25, 2020 (HOL) - Dowlada Imaaraatka carabta ayaa u dirtay Jubbaland diyaarad gargaar oo sidday 7 metrik ton oo agab caafimaad ah si ay usii xoojiso dadaallada dalka ee wax looga qabanayo fiditaanka COVID-19.

Gargaarkan ayaa caawin doona ku dhawaad 7,000 xirfadlayaal caafimaad ah si aay ugu shaqeeyaan xakameynta viruska COVID-19.

Maxamed Axmed Othman Al Hammadi, Safiirka UAE ee Soomaaliya, ayaa yiri, “Gargaarka caafimaad ee loo diray Jubaland, Soomaaliya waxay cadeyneysaa dareenka hoggaanka UAE inuu taageerayo dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaallamayo viruska COVID-19.

Gargaarkan ayaa sidoo kale looga golleeyahay in sahay caafimaad oo deg deg ah loogu baahdo kumanaan xirfadleyaal caafimaad ah oo daweeya bukaannada Soomaaliyeed isla markaana la dagaallamaya masiibadan.

Imaaraadku wuxuu sheegay inuu Soomaaliya gaarsiiyay 27 metrik ton oo sahay caafimaad ah 14kii Abriil iyada oo lala kaashanayo Ururka Caafimaadka Adduunka, WHO.

Gargaarka ayaa ka koobnaa 7 metrik ton oo ay bixiso UAE iyo 20 metrik ton oo ay bixisay WHO, iyada oo ay ka faa'iideysteen in ka badan 27,000 shaqaalaha daryeelka caafimaadka ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]