3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 24, 2020
Madaxweynaha Soomaaliya oo isku bedelay taliyayaasha ciidamada lugta iyo badda
 

Arbaco, Juun 24, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir oo hore u ahaa Taliyaha Ciidanka Lugta/Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka inuu noqdo Taliyaha cusub ee Ciidanka Badda.

Waxaa isla wareegto kale loogu magacaabay inuu noqdo Taliyaha Ciidanka Lugta/Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Cabaas Amiin Cali oo isaguna hore u ahaa Taliyaha Ciidanka Badda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa taliyeyaasha xilalka loo kala wareejiyay la wadaagay kalsoonida uu ku qabo howl gudashadooda iyo in ay yihiin saraakiil sii xoojinaya kaalintooda ku aaddan dadaallada dib u dhiska ciidanka, waxa uuna u rajeeyey in Eebe uu u fududeeyo gudashada howlaha muhiimka ah ee horyaalla.

Wareegtooyinka Madaxweynaha oo salka ku haya dadaallada joogtada ah ee sare u qaadista amniga iyo dib u habaynta Ciidamada Qalabka sida ayaa soo baxday Talaado, taariikhduna ay ku beegnayd 23ka, Juun 2020, waxa ayna ku dhaqan gelayaan faafinta rasmiga ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
6/24/2020 6:04 PM EST
Arbaco, Juun 24, 2020 (HOL) - Senataro katirsan guddigii loo xilsaaray dhameystirka xeerarka doorashooyinka Soomaaliya, ayaa kasoo horjeestay hadal kasoo yeeray guddoomiyaha aqalka sare, kaasoo sheegay in wax laga bedelay xeerarka guddigaan soo saareen ee loo gudbiyay barlamaanka labadiisa aqal.

6/24/2020 5:35 PM EST
Arbaco, Juun 24, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku casuumay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir in ay kasoo qeyb galaan Shirka Golaha Amniga Qaranka ee JFS oo ka dhici doona magaalada Muqdisho.

6/24/2020 10:48 AM EST
Arbaco, Juun 24, 2020 (HOL) - Bangiga wayn ee SomBank ayaa heshiis la saxiixday shirkadda Temenos oo ka shaqaysa howlaha horumarinta softaweerada ee ay ku shaqeeyaan qaar ka mid ah bangiyada caalamka.

6/24/2020 9:56 AM EST
Arbaco, Juun 24, 2020 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Beledweyne gaaray wafdi heerkiisu sarreeyo ee uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Shabeelle ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Aadan Axmed Sooyaan, waxaana si wey usoo dhoweeyay shacabka magaaladaasi iyo maamulka Gobolka Hiiraan.

6/24/2020 9:48 AM EST
Arbaco, Juun 24, 2020 (HOL) - War qoraal ah oo kasoo baxay wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada ee Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu fasaxay shaqaalaha rayidka ah ee dowladda Soomaaliya .

6/24/2020 9:32 AM EST
Arbaco, Juun 24, 2020 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa waxaa maanta si weyn loogusoo dhaweeyay magaalada Cadaado oo uu maanta gaaray, isagoo ay wehlinayaan xubno sare oo kamid ah mas’uuliyiinta Galmudug.

6/24/2020 7:15 AM EST
Arbaco, Juun 24, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha aqalka sare ee barlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in la marin habaabiyay oo wax ka bedel lagu sameeyay afar xeer oo ku saabsanaa dhameystirka sharciyadda doorashooyinka Soomaaliya.

6/24/2020 6:54 AM EST
Arbaco, Juun 24, 2020 (HOL) - Jaamacadda Carabta ayaa talaadadii shalay ka codsatay Itoobiya inay ka waantowdo inay bilowdo buuxinta kaydka weyn ee ay ka dhisayso wabiga Niil, kahor inta aysan heshiis la gaarin Masar iyo Suudaan.

6/24/2020 2:42 AM EST
Arbaco, Juun 24, 2020 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay taageersan tahay in heshiis nabadeed laga gaaro muranka webiga Niil ee ka dhexeeya Masar, Ethiopia iyo koonfurta Suudaan.

6/24/2020 1:59 AM EST
Arbaco, Juun 24, 2020 (HOL) - Guddiga Agaasimayaasha Bangiga Adduunka ayaa ansixiyay $ 55 milyan oo ah Kaalmada Horumarinta Caalamiga ah (IDA) oo lagu taageerayo soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya iyada oo loo sii marayo isbadalka miisaaniyadeed iyo isbadallada siyaasadeed ee kale.