3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 21, 2020
Madaxweyne Deni: Dowladda federalka waxay caqabad ku tahay in Puntland laga taageero dhismaha ciidamadeeda


Axad, Juun 21, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni oo manta tababar usoo xiray cutubyo katirsan ciidamada Puntland oo tababar uga socday magaalada Qardho, ayaa dowladda federalka ku eedeeyay inay caqabad ku tahay in Puntland laga taageero dhismaha ciidamadeeda.

“Waxaa nasiibdaro ah iyadoo aduunka uu uga baxo boqolaal million oo dollar sidii Soomaaliya uga caawin lahaayeen Amniga, iyo dhismaha ciidanka in wixii ay ka mudnaayeen Puntland inaysan ka helin DFS, taas waxaan rajaynayaa in caalamku garto. Masuuliyiinta Dowladda Federaal ka ah hanti ay hayaan loogu dudimaayo, balse waa inaysan caqabad ku noqon waxa beesha caalamka laga helayo,” ayuu yidhi madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay, Puntland tan iyo dhismaheedii oo laga joogo 21 sano kadib, inay iyadu isku tashanaysay oo ciidamadeeda tababar siinaysay, isagoo sheegay in aanay jirin cid ka caawisay wuxuuna dowladda federalka ku eedeeyay inay kaligeed isku koobtay qalabaynta ciidamada iyo dib u dhiskooda.

“ Duruuf walbaa deegaannada kale waa ka jirtaa, hadana cadawgu meel walba waa joogaa, dhismaha ciidankana meelwalba waa looga baahan yahay, waxaase Alle mahaddiis ah Puntland oo 21 sano jirtey oo masuuliyiintii kala dambeysey ee soomaray ay garteen ahmiyadda ciidamadu leeyihiin". Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
6/21/2020 8:26 AM EST
Axad, Juun 21, 2020 (HOL) - Ciidamo ka tirsan militiriga dowladda faderaalka ah ee Soomaaliya ayaa xirtay waddooyin muhiim ah oo laga ilaaliyo madaxtooyada dalka, waxayna ka cabanayaan mushaar la’aan haaysatay muddo sanad iyo sagaal bilood ah sida ay u sheegeen qaar kamid ah warbaahinta dalka oo ay la hadleen.

6/21/2020 5:42 AM EST
Axad, Juun 21, 2020 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sidda ee dowladda Soomaaliya ayaa u fadhiisatay dhageysiga dacwadda loo haaysto askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo lagusoo eedeeyay in qaar kamid ah ay la shaqeeyaan Al-shabaab iyo qaar kale oo loo haaysto ka qeyb-qaadashada dagaal sokeeye.

6/21/2020 5:18 AM EST
Axad, Juun 21, 2020 (HOL) - Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa dib u cusbooneysiiyay weeraradiisii cunsuriyada ahaa ee ka dhanka ah Ilhan Omar, isagoo u sheegay dad badan oo taageerayaashiisa ah in haweeneyda u tartamaysa Koongareeska ay doonayso in ay Maraykanka ka yeesho sida Soomaaliya oo kale.

6/21/2020 5:11 AM EST
Axad, Juun 21, 2020 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa guulo ka sheegtay dagaal ka dhacay deegaanka Dug-wariiri oo hoostaga degmada Jannaale ee Gobolka Shabeellada hoose ee Koofur Galbeed Soomaaliya.

6/21/2020 5:00 AM EST
Axad, Juun 21, 2020 (HOL) - Wararka laga helayo magaalada Bacaadweyn ee Gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in saakay Al-shabaab ay qarax ismiidaamin ah ku weerareen bar ay deganaayeen Ciidamada militiriga Soomaaliya sida ay HOL u xaqiijiyeen Ilo wareed deegaanka ah .

6/21/2020 4:45 AM EST
Axad, Juun 21, 2020 (HOL) - Ugu yaraan toddobo qof ayaa ku dhimatay laba weerar oo bambo oo kala gooni-gooni ah oo ka dhacay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya 24-kii saac ee la soo dhaafay, sidaana waxaa sheegay saraakiisha bilayska iyo militariga.

6/21/2020 4:42 AM EST
Axad, Juun 21, 2020 (HOL) - Wararka laga helayo degmada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud ee Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in maanta Al-shabaab ay meel fagaaro ah ku dileen wiil dhalin-yar ah oo ka mid ahaa dadka deegaanka.

6/21/2020 4:28 AM EST
Axad, Juun 21, 2020 (HOL) - Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte cismaan islamarkaana ay qeyb ka yihiin xubno kamid ah Golaha wasiirrada Hirshabeelle ayaa u ambabaxay magaalada Feer-feer oo ku taalla xududda Soomaaliya iyo Itoobiya.