4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 21, 2020
Askar ka tirsan Ciidamada dowladda oo qaar ay Al-shabaabnimo ku eedeysanyihiin oo maxkamadda Ciidamada hortagay
 

Axad, Juun 21, 2020 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sidda ee dowladda Soomaaliya ayaa u fadhiisatay dhageysiga dacwadda loo haaysto askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo lagusoo eedeeyay in qaar kamid ah ay la shaqeeyaan Al-shabaab iyo qaar kale oo loo haaysto ka qeyb-qaadashada dagaal sokeeye.

Garmaqalka dacwada oo ka dhacay degmada Guricel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa mid kamid ah askarta maxkamadda kasoo hormuuqday oo lagu magacaabo Ex-Dable xoogga Axmed Isaaq Nuur loo haaystaa inuu la shaqeynayay Al-shabaab , halka dable xoogga Cali Xasan Maxamed loo haaysto ka qeyb-galka dagaal u dhexeeyay beelo walaalo ah oo kasoo kala jeedo Maxaas iyo Guricel.

Ku –xigeenka xeer-ilaaliyaha maxkamadda Ciidamada qalabka sidda qeybta 27-aad Maxamed Cabdiqaadir Maxamed ayaa ka codsaday maxkamadda in raggaan la marsiiyo ciqaabta u dhiganta dembiyada loo haaysto.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qeybta 27-aad Gaashaanle Maxamed-Aamiin Cabdulle Aadan ayaa waxa uu dhiniciisa sheegay in ay la wareegeen kiisaska loo haaysto raggaan dhowaanna ay go’aanno kasoo saari doonaan.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]