4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 21, 2020
Al-shabaab oo meel fagaare ah ku dilay nin dhalin-yaro ah degmada Galhareeri
 

Axad, Juun 21, 2020 (HOL) - Wararka laga helayo degmada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud ee Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in maanta Al-shabaab ay meel fagaaro ah ku dileen wiil dhalin-yaro ah oo ka mid ahaa dadka deegaanka.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Al-shabaab ee Galhareeri oo la hadlay  dadka daawanayay dilka ayaa waxay sheegeen in wiilkaan oo da’diisu tahay 23 sano lagu helay fal basaasnimo ah, islamarkaana uu ka tirsanaa hay’adda sirdoonka Soomaaliya .

Wararka ayaa waxay intaa ku darayaan in Al-shabaab ay sheegeen in wiilkaas uu qirtay shaqadaas, sidaas darteedna ay tooganayaan.

Weli ma jiro war kasoo baxay hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya oo ay kaga jawaabayaan in wiilka maanta lagu dilay Galhareeri uu iyaga kamid ahaa .

Al-shabaab ayaa horay u dilay Soomaaliya dhowr qof oo ay ku eedeeyeen basaasnimo.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]