4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 21, 2020
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo u safray Feer-feer si uu uga qeyb-galo kulan looga hadlayo dhameynta colaadda beelo walaalo ah


Axad, Juun 21, 2020 (HOL) - Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte cismaan islamarkaana ay qeyb ka yihiin xubno kamid ah Golaha wasiirrada Hirshabeelle ayaa u ambabaxay magaalada Feer-feer oo ku taalla xududda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Ujeedka Socdaalka Wafdigaan ayaa ah kulan maanta  ay la yeelanayaan hoggaanka sare ee xafiiska naba-gelyada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, oo la doonayo in guud ahaanba xal looga gaaro colaadaha kusoo noq noqday tuulada Aaabaaley oo ka tirsan Feer feer.

Madaxa hoggaanka nabad-gelyada dowladda deegaanka Soomaaliyeed ee Itoobiya Xuseen Qaasim iyo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan ayaa isla eegi doono kaalinta mas’uuliyad wadareed ay leeyihiin sidii loosoo gunaanudi lahaa colaaddaas.

Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Shabeelle ee dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya raacsan ayaa aad ugu riyaaqay iskaashiga ay sameynayaan labada dhinac si xal loogu helo dirirta beelahan walaalaha ah ee wada-yaalla Gobolkaas soohdinta la wadaago Gobolka Hiiraan ee Soomaaliya.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]