4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 20, 2020
Maamulka Gobolka Hiiraan iyo dowladda deegaanka Soomaalida Itoobiya oo xal ka gaaraya colaadda beelo Soomaaliyeed oo Aabaaley ka dhacday
 
Madaxa Hogaanka Nabadgalyada ee Dowladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya Xuseen Qaasim oo ku sugan deegaanka FeerFeer ee dalka Itoobiya 
Sabti, Juun 20, 2020 (HOL) - Maamul Goboleedka Hirshabeelle iyo dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxay dadaal adag ugu jiraan sidii loosoo Af-meeri lahaa colaado dhowaan ka dhacay deegaanka Aabaaley oo dhaca meel dhow xudduudda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Hoggaanka Nabad-gelyada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo arrintaan soo fara-geliyay ayaa sheegay in ay ka go’antahay in xal loo helo arrintaas, si nabad loogusoo celiyo deegaanka lagu dagaallamayay.

Cabdullaahi Maxamed Cabdi oo ah ku xigeenka hoggaanka xafiiska nabad-gelyada deegaanka Soomaalida oo la hadlay BBC-da ayaa waxa uu sheegay in hadda ay qaadanayaan kaalin mas’uuliyadeed oo ujeeddadeedu tahay in lagusoo ebyo colaaddan u dhexeysa maleeshiyada beelaha wada dhashay ee wada dega degmada Feer-feer ee Gobolka Shabeelle.

“Annagu ma caddeyn karno, in maleeshiyada wax dishay ay kasoo jeedaan Soomaaliya “ ayuu ku jawaabay Cabdullaahi Maxamed Cabdi oo ka jawaabay mar la weydiiyay halka ay ka yimaaddeen dableyda loo aaneynayo in ay wax dishay.

Dhinaca kale waxaa maanta dib u dhacay kulan lagu waday iney qaataan Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan iyo madaxda hoggaanka nabad-gelyada dowlad deegaanka Soomaaliyeed ee Itoobiya. Hase-ahaatee waxaa lagu wada in mas’uuliyiintaan berri ay kulmaan

Beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamay deegaanka Aabaaley ayaa wada-dego dhul ballaaran oo hoos yimaada degmada Feer-feer ee Gobolka Shabeelle, waxaana iminka muuqata in dowladda deegaanka Soomaalida ee  ay hadda u istaagtay sidii xal loogu heli lahaa colaaddaas soo noq-noqotay .

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]