4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 18, 2020
Qarax ka dhacay Muqdisho oo ay dad rayid ah ku dhinteen
 

Khamiis, Juun 18, 2020 (HOL) - Afar qof oo rayid ah ayaa ku dhintay,  dhowr qof oo kalana way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa HOL u sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan hooyo iyo cunug yar oo ay dhashay oo saarnaa Bajaaj uu qaraxu qabsaday.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa ah meel ku dhow madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim Salaad.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in qaraxaas lala damacsanaa gaari ay wateen ciidamada dowladda balse ma jiraan wax khasaaro ah oo ay askarta la kulmeen.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]