3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 17, 2020
Taabit Cabdi Maxamed “Waa ayaan-darro in ciidamada ay dilaan shacabkii ay ilaalinayeen”
 

Arbaco, Juun 17, 2020 (HOL) - Guddoomiyahii hore ee Gobolka Banaadir ahna hoggaamiyaha xisbiga Awoodda Shacabka  Taabit Cabdi Maxamed ayaa waxa uu ka hadlay dilalka mararka qaar ay ciidamada dowladda Soomaaliya u geystaan qaar kamid ah shacabka magaalada Muqdisho.

” Ma’ahan wax la aqbali karo in ciidankii loo igmaday difaaca shacabka isla iyagii ay si xaqdarro ah nafta u dhaafiyaan dadka biri-mageydada ahaa ee la tacaalayay nolol maalmeedkooda. Cuqubada ka dhalan karta dulmigan waa mid halis ah, oo na wada saameyn doonta hadii aan si wadajir loo diidin, loogana dhiidhin” ayuu ku yiri Guddoomiyahii hore ee Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed Qoraal uu bartiisa Facebook-ga uu kusoo qoray.

Waxa uu sidoo kale qoraalkiisa uga hadlay dilkii shalay askari ka tirsan Ciidamada Booliska uu u geystay nin oday ah oo ganacsada ahaa . waxa uuna dowladda Soomaaliya ugu baaqay in arrintaas  ay si dhab ah wax uga qabato, qoyska marxuumkana ay helaan cadaalad rasmi ah.

“Waxaan ugu baaqayaa Hay’addaha Amniga in si deg deg ah sharciga loo marsiiyo gacan-ku-dhiiglaha dulmiyay, naftiisana dhaafiyay qof shacab ah oo aanan waxba galabsan”. ayuu mar kale Taabit Cabdi qoraalkiisa ku yiri.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shalay sheegay in ay gacanta ku dhigeen askari qof shacab ah ku dilay degmada Xamar Jajab.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
6/17/2020 6:02 PM EST
Arbaco, Juun 17, 2020 (HOL) - Shirkii wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee ka socday Waddanka Jabuuti ayaa caawa labadii dhinac ku kala saxeexdeen waxa loo yaqaan Minutes-ka, kaasi oo ah is afgarad hordhac ah oo labada dhinacba isla qaateen.

6/17/2020 11:04 AM EST
Arbaco, Juun 17, 2020 (HOL) - Deegaanka xeero oo ku yaalla waqooyiga magaalada Hargeysa ee Somaliland ayaa waxay si adag u dhaleeceeyeen guddiga xakameynta iyo ka hortagga xanuunka COVID-19, waxayna ku eedeeyeen in meydad dad ajnabi ah oo u dhintay Coronavirus lagu gubay doox weyn oo halkaasi ku yaalla.

6/17/2020 10:34 AM EST
Arbaco, Juun 17, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mali Ibrahim Boubacar Keita ayaa sheegay in xog ay heleen ay muujineyso in uu weli noolyahay hoggaamiyahii mucaaradka waddankaasi Soumaila Cisse, kaas oo ku maqan gacanta kooxo Afduubtay xilli uu sameynayay ol-ole la xiriira doorasho dalkaasi ka dhaceysay . sida ay qortay wakaaladda wararka AFP.

6/17/2020 10:06 AM EST
Arbaco, Juun 17, 2020 (HOL) - Guddiga xeerka dhameystirka doorashooyinka Soomaaliya oo maanta ka qeyb-galay kulankii Baarlamanka Soomaaliya ayaa waxay u qeybiyeen Afarta xeer ee loo saaray in ay soo diyaariyaan, kaas horay loogu idmaday.

6/17/2020 9:13 AM EST
Arbaco, Juun 17, 2020 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, iyo Danjiraha Jarmalka, Annett Günther oo qadka taleefonka kuwada hadlay ayaa ballan-qaaday inay kasii wada-shaqeyn doonaan yareynta halista ka dhalan karta COVID 19.

6/17/2020 8:46 AM EST
Arbaco, Juun 17, 2020 (HOL) - Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada XFS Maxamed Cabdullaahi Salaad {Oomaar} oo la hadlay talefishinka SNTV, ayaa sheegay in mar kale dib loo dhigay furitaanka duulimaadyada gudaha sababo la xiriirta iyadoo laga taxadarayo faafitaanka cudurka Covid-19.

6/17/2020 3:27 AM EST
Arbaco, Juun 17, 2020 (HOL) - Iyada oo ay sii kordhayaan kiisaska coronavirus, Sacuudi Carabiya ayaa la rajaynayaa in ay joojiso ama dib u dhigto sanadkaan gudashada waajibaadka xajka markii ugu horeysay tan iyo 1932.

6/17/2020 12:58 AM EST
Arbaco, Juun 17, 2020 (HOL) - Tartanka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Nairobi iyo Jabuuti ee kursiga Afrika ee Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa lasoo gabagabeyn doonaa Arbacada maanta ah ee 17-ka Juun, laakiin natiijada ka soo baxda waxay saameyn ku yeelan doontaa iskaashiga gobolka.

6/17/2020 12:50 AM EST
Arbaco, Juun 17, 2020 (HOL) - Golaha Wasiirada ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sheegay in Boqortooyada Sacuudiga ay si buuxda u taageersan tahay dadka reer Falastiin si ay dib ugu helaan xuquuqdooda oo buuxda ayna u diidaan qorshaha Israel ee ah in laga burburiyo qeybo ka mid ah Daanta Galbeed.