3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 5 , 2020
Puntland oo sheegtay in heerkii ugu hooseeyay ay gaareen kiisaska covid19
 

Axad, July 5, 2020 (HOL) - Maamulka Puntland ayaa shaaciyay in heerkii ugu hooseeyay uu gaaray kiisaska Covid19, kadib markii 24 saac ee lasoo dhaafay baaritaan laga qaaday 11 qof dhammaantood laga waayay cudurka.

Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay, in ay tahay markii ugu horeysay oo hal qof cudurka laga waayo tan iyo markii bishii Abril ee sannadkaan la howlgaliyay shaybaarka lagu baaro covid19.

Puntland, waxaa cudurka laga helay 334 qof, waxaa ka bogsaday 158 halka 8 qof u geeriyoodeen sida ku xusan xogtii ugu dambeysay ee lasoo saaray maanta.

Maalmihii lasoo dhaafay hoos u dhac ayaa ku yimid tirada dadka laga helayo cudurka gudaha Soomaaliya. Waxaa sidoo kale aad hoos ugu dhacay dhimashada cudurka.

Nolashii caadiga ahayd ee bulshada ayaa u muuqata mid sideedii kusoo laabanaysa kadib dhowr billood oo lagu jiray xaalad jahwareer oo uu dalku galay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
7/5/2020 1:22 PM EST
Axad, July 5, 2020 (HOL) - Diyaraaddii ugu horeysay ee sida rakaab kana soo duushay magaalada Muqdisho ayaa kasoo dagtay garoonka Ugaas Khaliif ee Magalada Baledweyne.

7/5/2020 10:02 AM EST
Axad, July 5, 2020 (HOL) - Dagaalkan oo u dhexeeya laba beelood oo xinif colaadeed beryihii la soo dhaafay u dhaxeysay ayaa waxa wararka hordhaca ahi sheegayaan in hal qof ku dhintay afar kalena ku dhaawacmeen.

7/5/2020 8:11 AM EST
Axad, July 5, 2020 (HOL) - Wajiga Labaad ee Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF2), ayaa waddamada UK, Denmark iyo Netherlands waxay oggolaadeen afar heshiis oo ay la galeen Somaliland, si loo wanaajiyo kaabayaasha muhiimka ah ee lagu taageerayo kobcinta dhaqaalaha.

7/5/2020 7:44 AM EST
Axad, July 5, 2020 (HOL) - Diyaarad kale oo ka diiwaan gashan Kenyan ah ayaa shil ku gashay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baardheere, ee gobolka Gedo, Axadda maanta.

7/5/2020 5:09 AM EST
Axad, July 5, 2020 (HOL) - Sida ay baahiyeen baraha wararka ee dhinaca Internet-ka ee taageera Al-shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in kooxdaasi ay qafaasheen islamarkaana ay dileen Xildhibaan Maxamed Maxamuud Siyaad oo ka tirsanaa mudanayaasha Baarlamanka Hirshabeelle.

7/5/2020 4:12 AM EST
Axad, July 5, 2020 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Gololey ayaa sheegaya in dabley hubeysan oo loo maleynayo in ay ka tirsanyihiin Al-shabaab ay gaari nooca raaxada ah kala degeen xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

7/5/2020 3:15 AM EST
Axad, July 5, 2020 (HOL) - Shirkii dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada oo qorshuhu ahaa inuu maanta magaalada Muqdisho ka furmo ayaa baaqday. Dowladda federalka oo shirkaan marti galisay kama aysan hadlin sababta uu u baaqday.

7/5/2020 2:33 AM EST
Axad, July 5, 2020 (HOL) - Duulimaadyada maxalliga ah ee Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inay dib u bilowdaan, kadib markii bishii march ee lasoo dhaafay ay dowladda Soomaaliya u joojisay sababo la xidhiidha xakamaynta faafitaanka cudurka Coronavirus.

7/5/2020 2:20 AM EST
Axad, July 5, 2020 (HOL) - Magaalada Muqdisho waxaa saaka laga dareemayaa xiisado kacsanaan ah, kadib markii ciidamada dowladda ay rasaas ku fureen dibadbaxayaal iskugusoo baxay fagaaraha daljirka Dahsoon iyagoo kasooo horjeeda dib u dhaca doorashada.