4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 5 , 2020
Saddex bilood kadib diyaarad shacab sida oo maanta ka degtay garoonka Ugaas Khaliif ee Baledweyne
 

Axad, July 5, 2020 (HOL) - Diyaraaddii ugu horeysay ee sida rakaab kana soo duushay magaalada Muqdisho ayaa  kasoo dagtay garoonka Ugaas Khaliif ee Magalada Baledweyne.

Waxayna garoonka ka qaaday rakaab kale oo doonayay iney u safraan Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Dad badan ayaa soo dhaweeyay dib u furista duulimaadyada gudaha dalka oo Tan iyo Bishi March u xirneyd cabsi laga qabay faafista cudurka Covid19.

Wasaaradda gaagiidka iyo duulista hawada XFS ayaa sheegtayin dadka raacaya diyaaradaha laga doonayo dhaqan gelinta qodobo loo arko iney muhiim u tahay xakameynta faafista cudurka dilaaga ah ee Corana Virus.

Iyadoo maantana la arkayay rakaabka ku socdaalayay diyaaradda maanta soo caga dhigatay garoonka Ugaas Khaliif oo xiran qaar ka mid ah agabyada difaaca u ah cudurka safmarka ah ee COVID 19 taas oo muujinaysa in rakaabka u hogaan sameen amarka wasaaradda duulista iyo hawada Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya.


Hiiraan Online News Disk