5/11/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 5 , 2020
Dalalka Britain, Denmark iyo Netherlands oo heshiisyo la galay Somaliland


 

Axad, July 5, 2020 (HOL) - Wajiga Labaad ee Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF2), ayaa waddamada UK, Denmark iyo Netherlands waxay oggolaadeen afar heshiis oo ay la galeen Somaliland, si loo wanaajiyo kaabayaasha muhiimka ah ee lagu taageerayo kobcinta dhaqaalaha.

Heshiisyadan cusub oo lagu taageerayo mashaariicda wadooyinka, tas-hiilaadka beeraha, nidaamyada biyaha iyo kaluumeysiga ayaa dardar galin doona koboc dhaqaale oo anfacaya gobolka iyo gacan ka geysashada sidii loo heli lahaa deganaansho, nabad iyo u adkeysiga abaaraha.

Mashruuca koowaad ayaa lagu taageerayaa dib-u-dhiska wadada isku xidha Burco ilaa Berbera. Waxaa ka mid ah in la sameeyo waddo 82km oo laami ah, dib u soo nooleynta buundooyinka burburay iyo nidaamyada bullaacadaha.

Mashruuca labaad wuxuu horumarin doonaa wax soo saarka beeraha ee beeraleyda  iyadoo loo marayo ciidda iyo ilaalinta biyaha, cilmi baarista, fidinta iyo tababarka beeroleyda. Mashruucan ayaa beegsan doona dhulka leh wax soosaarka Beeraha ee Awdal iyo Maroodi jeex.

Mashruuca saddexaad wuxuu taageeridoonaa wakaaladda Biyaha Hargeysa (HWA), si biyo nadiif ah loogu helo dadka reer Hargeysa. Mashruucan wuxuu u oggolaanayaa wakaalada biyaha inay 4,000 m3 oo biyo ah ka soo saarto Laasdhure. Mashruucan wuxuu ku kordhin doonaa biyaha laga heli karo magaalada Hargeysa in ka badan 20%, ilaa 23,000m3 maalin kasta. Si loogu daboolo baahida 200,000 qof oo dheeri ah.

Mashruuca 4-aad wuxuu horumarin doonaa dhisida deked yar oo ay doomuhu ku xirtaan, taasoo qeyb ka qaadanaysa isku xirnaanta dhinaca badda ee u dhaxaysa Berbera, bariga Sanaag iyo qaybo ka mid ah Togdheer, kicineysana koboca dhaqaalaha gobolka iyo sidoo kale fududeynta isu socodka kalluunka suuqyada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]











Click here
7/5/2020 4:43 PM EST
Axad, July 5, 2020 (HOL) - Maamulka Puntland ayaa shaaciyay in heerkii ugu hooseeyay uu gaaray kiisaska Covid19, kadib markii 24 saac ee lasoo dhaafay baaritaan laga qaaday 11 qof dhammaantood laga waayay cudurka.

7/5/2020 1:22 PM EST
Axad, July 5, 2020 (HOL) - Diyaraaddii ugu horeysay ee sida rakaab kana soo duushay magaalada Muqdisho ayaa kasoo dagtay garoonka Ugaas Khaliif ee Magalada Baledweyne.

7/5/2020 10:02 AM EST
Axad, July 5, 2020 (HOL) - Dagaalkan oo u dhexeeya laba beelood oo xinif colaadeed beryihii la soo dhaafay u dhaxeysay ayaa waxa wararka hordhaca ahi sheegayaan in hal qof ku dhintay afar kalena ku dhaawacmeen.

7/5/2020 7:44 AM EST
Axad, July 5, 2020 (HOL) - Diyaarad kale oo ka diiwaan gashan Kenyan ah ayaa shil ku gashay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baardheere, ee gobolka Gedo, Axadda maanta.

7/5/2020 5:09 AM EST
Axad, July 5, 2020 (HOL) - Sida ay baahiyeen baraha wararka ee dhinaca Internet-ka ee taageera Al-shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in kooxdaasi ay qafaasheen islamarkaana ay dileen Xildhibaan Maxamed Maxamuud Siyaad oo ka tirsanaa mudanayaasha Baarlamanka Hirshabeelle.

7/5/2020 4:12 AM EST
Axad, July 5, 2020 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Gololey ayaa sheegaya in dabley hubeysan oo loo maleynayo in ay ka tirsanyihiin Al-shabaab ay gaari nooca raaxada ah kala degeen xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

7/5/2020 3:15 AM EST
Axad, July 5, 2020 (HOL) - Shirkii dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada oo qorshuhu ahaa inuu maanta magaalada Muqdisho ka furmo ayaa baaqday. Dowladda federalka oo shirkaan marti galisay kama aysan hadlin sababta uu u baaqday.

7/5/2020 2:33 AM EST
Axad, July 5, 2020 (HOL) - Duulimaadyada maxalliga ah ee Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inay dib u bilowdaan, kadib markii bishii march ee lasoo dhaafay ay dowladda Soomaaliya u joojisay sababo la xidhiidha xakamaynta faafitaanka cudurka Coronavirus.

7/5/2020 2:20 AM EST
Axad, July 5, 2020 (HOL) - Magaalada Muqdisho waxaa saaka laga dareemayaa xiisado kacsanaan ah, kadib markii ciidamada dowladda ay rasaas ku fureen dibadbaxayaal iskugusoo baxay fagaaraha daljirka Dahsoon iyagoo kasooo horjeeda dib u dhaca doorashada.