4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 5 , 2020
Ciidamada amniga oo rasaas ku kala eryay mudaharaadyaal kasoo horjeeda dib u dhaca doorashada



Axad, July 5, 2020 (HOL) - Magaalada Muqdisho waxaa saaka laga dareemayaa xiisado kacsanaan ah, kadib markii ciidamada dowladda ay rasaas ku fureen dibadbaxayaal iskugusoo baxay fagaaraha daljirka Dahsoon iyagoo kasooo horjeeda dib u dhaca doorashada.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa la sheegayaa inay wadaan abaabulka mudaharaad balaaran oo loogasoo horjeedo in doorashada waqtigeeda dib uga dhaco.

ciidamada dowladda federalka ayaa rasaas ku kala eryayay mudaharaadyaasha oo watay boorar ay ku qornaayeen hal ku dhigyo ka dhan ah dowladda.

Arintaan ayaa kusoo aadaysa iyadoo barlamaanka Soomaaliya todobaadkaan lagu wado inuu go’aan ka gaaro in doorashada dib loo dhigo 13 bilood kadib.

Qorshahan dib u dhigida doorashada waxaa uu ka yimid guddiga doorashada oo sheegay in aan doorasho qof iyo cod lagu qaban Karin waqtiga u harsan xukuumada haatan jirta iyo barlamaankeeda.

Ururada mucaaradka ayaa ka digay in doorashada dib loo eego iyagoo sheegay in wixii ka dhaca in ay masuul ka tahay madaxda dowladda federalka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]