4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 4 , 2020
Puntland: 16,500 arday oo maanta u fariistay imtixaanka shahaadiga iyo hal arday oo laga helay covid19


Sabti, July 4, 2020 (HOL) - 16,500 arday oo ka socda fasalada 4-aad ee dugsiyada sare iyo fasalada 8-aad ee dugsiyada dhexe ee Puntland ayaa saakay u fariistay imtixaanka shahaadiga ee sanad dugsiyeedka 2019/2020.

Wasaaradda waxbarashada Puntland ayaa dhammaan ardayda imtixaanka u fariisatay u xirtay qalabka afka iyo gacmaha lagu xirto si looga feejignaado faafitaanka cudurka Coronavirus, balse lama oga in qalabkaan ardaydu helidoonaan illaa imtixaanka ka dhammaanayo.

Mid kamid ah ardayda ayaa laga helay covid19, isagoo wasaaradda waxbarashada usoo gudbiyay muddo todobaad kahor, balse wasaaradda ayaa sheegtay in gurigiisa loogu gayndoono imtixaanka marka uu kasoo caafimaado cudurka.

Puntland ayaa weli imtixaankeedu yahay mid ka madax bannaan dowladda federalka Soomaaliya, taasoo sanadkii hore keentay in wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ay diido in shahaado la siiyo ardayda Puntland, inkasoo markii dambe la xalliyay.

Dowladda federalka ayaa iyadu shaacisay in 11 bisha julay qaadidoonto imtixaanka shahaadiga.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]