4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 4 , 2020
4 ruux oo ku dhimatay qarax ka dhacay duleedka magaalada Baydhaba
 

Sabti, July 4, 2020 (HOL) - Sida ay HOL u xaqiijiyeen ilo madax bannaan ku sugan duleedka magaalada Baydhabo inta la xaqiijiyay 4 ruux ayaa ku dhintay, tira kalana way ku dhaawacmeen qarax loo badinayo in uu yahay mid dhulka lagu aasay oo ka dhacay bar koontarool oo lagasoo galo magaalada.

Warka wuxuu intaa ku darayaa in shacab ku sugnaa halka uu qaraxa ka dhacay ay usoo gurmadeen dadkii ku dhaawacmay qaraxa, kuwaas oo gaarsiiyay goobaha caafimaadka magaalada Baydhaba .

Qaraxa ayaa ka dhacay maqaaxi lagu iibiyo raashiinka iyo shaaha sida ay Ilaha ay HOL u sheegeen dadka la hadlay.

Ciidamada ammaanka Koonfur galbeed oo soo gaaray halka uu qaraxa ka dhacay , ayaa wada howl-gallo miino baaris ah , iyagoo sidoo kalena sameynaya dhaqdhaqaaqyo ciidan.

Ma jiraan illaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]