3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 30, 2020
Guddiga gurmadka Fatahaadaha Baledweyne oo bilaabay dadaalo looga hortagayo Fatahaada Wabiga Shabelle


Khamiis, Luulyo 30, 2020 (HOL) - Guddiga gurmadka Fatahaadadaha Baledweyne ayaa bilaabay wajiga koowaad ee dadaalada looga hortagayo fatahaad ku dhufata xaafadaha Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Guddigaan ayaa maanta Carro tuur balaaran ka sameyay Tuulada Hilikilyo oo dhicana waqooyi kaga beegan baledweyne, halkaas oo ah meelaha ugu horeeya ee wabiga Shabelle karkaarada uu ka jabsado.

Guddoomiyaha guddiga gurmadka  Fatahaadaha  Baledweyne, Xaaji Cismaan Dhagaxoow oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay iney waddaan dadaalo xoogan oo ay ku doonayaan sidii ay ku baajin lahayeen fatahaad markale barakicisa dadka ku dhaqan xaafadaha Baledweyne waxuuna uga baaqay shacabka iney is dajiyaan oo ay kala shaqeyaan dadaalada looga hortagayo la tacaalista fataahada wabiga Shabelle.

Ugu dambeyntii howlahan Carra tuurka ay maanta bilaabeen guddiga gurmadka iyo la tacaalista ka hortaga fatahaadaha baledweyne ayaa kusoo beegmeysa, xili wabiga shabelle biyaha uu wado ay yihiin kuwa heerkii ugu sareyay maraya taas oo walwal iyo walaac xoogan ku abuurtay shacabka reer baledweyne in markale fatahaad ka barakiciso aqaladooda.

Hiiraan Online News Disk












Click here
7/30/2020 5:25 PM EST
Khamiis, Luulyo 30, 2020 (HOL) - Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in 3-da, bisha August la furayo dhammaan duullimaadyadii caalamiga ahaa ee Soomaaliya , oo horay loo xayiray 19-kii, Maarso, ee sanadkan 2020-ka.

7/30/2020 11:54 AM EST
Khamiis, Luulyo 30, 2020 (HOL) - Golaha wasiirrada ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta Maareeyaha hay'adda batroolka ee dalka u magacaabay Ibraahim Cali Xuseen.

7/30/2020 8:56 AM EST
Khamiis, Luulyo 30, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa la taliyahiisa dhinaca doorashooyinka u magacaabay Cabdi Cali Raage oo ah milkiilaha Idaacadda Sooyaal oo ku taalla magaalada Kismaayo, sidoo kalena ah siyaasi saameyn togan ku dhex lahaa maamulka Jubbaland , horayna mar usoo noqday mid kamid ah la taliyayaasha madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

7/30/2020 8:42 AM EST
Khamiis, Luulyo 30, 2020 (HOL) - Taliyaha Booliska qeybta bari ee Gobolka Banaadir G/le dhexe Khaliif Cabdulle Maalin ayaa waxa uu sheegay in xaalad amni xumo ay kusoo korortay degmada Kaaraan , taas oo iminka dhibaato xooggan ku haaysa shacabka deegaanka .

7/30/2020 8:27 AM EST
Khamiis, Luulyo 30, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu maanta kulan la qaatay xubno kamid ah xildhibaannada Baarlamanka dalka iyo sidoo kale Guddoomiyaha Golaha wakiillada Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed .

7/30/2020 8:20 AM EST
Khamiis, Luulyo 30, 2020 (HOL) - Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxa uu faah-faahin ka bixiyay kulan isaga iyo madaxweynihii ka horreeyay Shariif Shiikh Axmed ay la yeesheen Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamanka Jamhuuriyadda Faderaalka ah ee Soomaaliya 28-ka, bishan July, kaas oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

7/30/2020 4:24 AM EST
Khamiis, Luulyo 30, 2020 (HOL) - Taliska Mareykanka ee Mareykanka ayaa fuliyey duqeyn cirka ah oo lagu bartilmaameedsanayay kooxda al-Shabaab agagaarka degmada Jilib, Jubbada dhexe.

7/30/2020 2:09 AM EST
Khamiis, Luulyo 30, 2020 (HOL) - Repeni Poll International, oo ah shirkad caan ku ah qiimaynta dadka sumcadda waanagsan ku leh adduunka, ayaa waxay sii deysay liiska boqolka qof ee qaaradda Afrika ugu caansan uguna sumcadda wanaagsan sanadkan 2020.