4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 30, 2020
Milkiile Warbaahineed oo loo magacaabay la taliyaha madaxweyne Farmaajo
 

Khamiis, Luulyo 30, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa la taliyahiisa dhinaca doorashooyinka u magacaabay  Cabdi Cali Raage oo ah milkiilaha Idaacadda Sooyaal oo ku taalla magaalada Kismaayo, sidoo kalena ah siyaasi saameyn togan ku dhex lahaa maamulka Jubbaland , horayna mar usoo noqday mid kamid ah la taliyayaasha madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Waxa uu madaxweynaha kala talin doonaa arrimaha doorashooyinka dalka oo ah waxa hadda sida weyn looga hadal hayo Soomaaliya, loona baahanyahay in waqtiga u haray madaxweyne Farmaajo si weyn diiradda loo saaro.

Sida lagu qoray bogga raadiyaha Dalsan ee Muqdisho Cabdi Cali Raage ayaa waxa uu horay ugasoo shaqeeyay doorashooyinkii dadbanaa ee ka dhacay Soomaaliya sanadkii dhammaadkii sanadkii 2016-kii.

Cabdi Cali Raage ayaa waxaa horyaalla shaqooyin ay ka mid tahay ka tala siinta madaxweyne Farmaajo arrimaha doorashada dalka oo hadda aan weli la isla qaadan hannaanka ay noqoneyso.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]